Dagaal Al-shabaab iyo xoolo dhaqato ku dhaxmaray gobolka Sh/dhexe.
Posted by abdi on January 13 2017 00:10:21

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in iska horimaad culus uu ku dhaxmaray Al-shabaab iyo xoolo dhaqato deegaan.


Extended News

 

 

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in iska horimaad culus uu ku dhaxmaray Al-shabaab iyo xoolo dhaqato deegaan bariga uga beegan degmada Jowhar. Iska horimaadka ayaa ka bilaawday sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah kadib markii xoolo dhaqato isku dayeen in ay miino ka saaraan waddo isku xirta deegaannada Warciis iyo Wardhagax, taasoo keentay ay weerar ku soo qaadaan xoogag ka tirsan Al-shabaab. Inta la ogyahay labo ruux oo ka mid ahaa xoolo dhaqatadii dooneysay in ay miinada ka saaraan wadada ayaa dhimatay halka ay ku dhaawacmeen afar ruux oo saarnaa gaari Bas ah oo marayay meel ku dhow halka uu dagaalka ka dhacay. Afarta ruux ee dhaawacantay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen gaari u sidey deegaanka Warciise Qaad iyadoo dadka dhaawacmay la keenay isbitaalka magaalada Jowhar. Ugu danbeyntii, ciidamada dowlada ayaa la sheegay in markii dambe ay goobta gaareen iyagoo halkaa baaritaano ka sameeyay. Mana jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe.

Hargeysa Online