Guddoonkii baarlamaanka Soomaaliya oo la soo dhameystiray.
Posted by abdi on January 13 2017 00:14:57

Labo maalmood oo siweyn isha loogu wada hayay ayeey aheyd doorashada guddoonka baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya.


Extended News

Labo maalmood oo siweyn isha loogu wada hayay ayeey aheyd doorashada guddoonka baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya oo marka la eego sida ay ku soo dhamaatay aad uga xiiso badneyd doorashooyinkii ka horeeyay.


Maalintii shalay aheyd markii doorasho ku soo dhamaatay wareegii hore oo aad u xiiso badneyd dhaxmartay afar musharax oo u taagnaa xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu ku soo baxay Prof Max’ed Cismaan Jawaari oo mar kale noqonaya guddoomiyaha baarlamaanka.
Prof Jawaari ayaa hellay 141 cod, halka musharixii sida weyn ugu soo dhawaa C/rashiid Max’ed Xidig uu helay codad gaaraya 97 cod.
Hasse ahaatee doorashadii maanta oo ka xiiso iyo xamaasad badeyd doorashadii shalay ayaa waxaa ku tartamay gudddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo labaad musharixiin gaarayay 16 xildhbaan, madaama kursiga guddoomiye ku-xigeenka koowaad ku tartamayeen 6 xildhibaan, halka 10 musharaxna isku soo taageen guddoomiye ku-xigeenka labaad.
Doorashada waxaa si gaar ah xiiso ugu sii yeelay  xildhibaannada isku arkay oo marka dhinac laga eego siyaabo kala duwan taageero uga helayay musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo siyaasiyiin ka madaxbanaan baarlamaanka, taasoo keentay in doorashadii maanta noqoto tan loogu hadal heynta badan yahay.
 
C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey iyo xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa siweyn ugu loolamay awooda codadka xildhibaannada waxaa wareegii hore 111 cod ku hogaaminayay C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey, halka Faarax Sheekh C/qaadir uu helay 94 cod.
Hasse ahaatee wareegii labaad ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa ku guuleystay guddoomiye ku-xigeenka kuwaad ee baarlamaanka C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey oo helay 164 cod, halka musharixii la tartamayay xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir uu helay 93 cod.
Siddoo kale, waxaa kursigiisii hore ee guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka sii adkeystay Mahad Cabdalla Cawad oo ka guuleystay xildhibaan C/qaadir Sheekh Baqdaadi.
 
Talaabada Xigta :
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in fadhiyada ugu soo horeeya lagu magacaabi doono guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ah howlaha ugu soo horeeya ee hor yaalla baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya.
Xilka madaxweynaha ayaa waxaa u sharaxan tiro ka badan 20 musharax oo mid walba oo ka mid rajo ka qabo in uu ku soo baxo kursiga ugu sareeya hogaanka dalka, waana arin siweyn loo wada sugayo maalmaha iyo todobaadyada nagu soo foolka leh.

Hargeysa Online