Masaajid ku yaal magaaladda Seattle oo Dab la qabadsiiyay.
Posted by ifraax on January 15 2017 21:40:32

Waxaa Subaxnimadii Sabtiga abaarahii 3:00 Aroornimo dab la qabadsiiyay Masjidka islamic Center of East side oo ku yaala xaafadda Bellvue.


Extended News

Waxaa Subaxnimadii Sabtiga abaarahii 3:00 Aroornimo dab la qabadsiiyay Masjidka islamic Center of East side oo ku yaala xaafadda Bellvue magaaladda Seattle ee gobolka Washington

Masjidkan oo ka mid ah masaajidda ugu qaddiimsan ee muslimiinta ku leeyihiin Gobalka Washington ayaa waxaa uu laba kiiloo mitir wax la eg u jiraa xarunta wayn ee Shirkada Microsoft.

Masjidkan ayaa waxaa maamulkiisa gacanta ku haya muslimiin kala yimid wadamada carabta, Pakistan iyo wadama kale waxaana imam ka ah imam Faisal.

 Mudda hadda laga joogo bilo ayaa qof inta xabada ku riday ka cararay masjidka iyadoo aysan qofna waxba ku noqon dhacdadaas.

Waana markii labaad ee lasoo weerarayo masjidkan iyadoo uu dabka si xun u baa bi'iyay  dhismaha masjidka hada.

Qof loo maleynayo in uu ka dambeeyay dabkan ayaa Booliisku xireen iyadoo aanan la ogayn faahfaahin intaa dhaafsiisan sida uu hiiraan Online u sheegay Xasan Suni oo ka mida Dhalinyaradda Soomaalida ee dagan magaaladda Seattle ee Gobolka Washinton.

201711563620063171722855316111755_10210795575658117_1732062202_n.jpg

201711563620063182331275616118553_10210795576658142_7808325_n.jpg

201711563620063207410935916111496_10210795590418486_14945719_n.jpg

Masjidka kale oo aad oogu dhaw masjidkan oo la yiraahdo Maps Masjid ayaa isana waxaa mudo bilo ah gudaheed ah markii labaad la burburiyay calaamadda masjidka ama Tabeelaha.

Waxaa maalmahan soo badanayay nacayb lagula kacayay dadka musliminta ah ee ku dhaqan wadnaka Maraykanka.

Dhinaca kale soomaalida deggan dalka Maraykanka ayaa lagu tilmaamaa in maamulaan masaajidda oogu badan. Iyadoo aysan muujinin taxadarkii badan oo aad arkaysid in masaajida aysan lahayn cid ilaalisa dumarka iyo raggana ay xiliya dambe socdaan iyagoo ay ka muuqato calaamadda islaamka.

Hargeysa Online