Maayorkii gobolka Laascaanod oo Xilkii laga qadday Kadib Markii..
Posted by ifraax on January 15 2017 21:47:02

Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa Maanta kalfadhi aan caadi ahayn.


Extended News

Laascaanood (Hargeysa Online)Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa Maanta kalfadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen waxay xilkii ka qaadeen maayarkii degmada Laascaanood Cismaan Saleebaan Jaamac, waxaana ay doorteen maayar cusub oo lagu magacaabo Cabdicasiis Xusseen Taar-wade.


Kalfadhigan maayarka xilka lagaga qaaday ayaa waxa goob joog ka ahaa badhasaabka gobolka Sool iyo taliye ku xigeenka qaybta booliska gobolka Sool.

Sidoo kale kalfadhigan waxaa soo xaadirey 19 xildhibaan.

 

Hargeysa Online