Warmurtiyeed ay soo saareen qurbajoogga Beesha badhtamaha ,koonfurta iyo bariga Hargaysa.
Posted by ifraax on January 16 2017 08:51:43

Xasadku waa xaaraan waana dad aan waxba isu oggolayn wax addoon ilaahay siiyey oo aan la aan isu quudhayn.


Extended News

Bismillaahi Arramanirraxeem.Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda  waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

 

Xasadku waa xaaraan waana dad aan waxba isu oggolayn wax addoon ilaahay siiyey oo aan la aan isu quudhayn, halka uu qofkii uu ilaahay ka baryi lahaa ayuu ka dooranaya in uu walaalkii u quudhi waayo waxa ilaahay siiyey,halkaana waxaa ka dhalanaysa in Allaah ummadda dhulka  xasadka ku nool raxmaddiisa ka qaado sababta oo ah waxaa uu ilaahay inoo sheegay haddii aanay addoomihiisu isu naxariisan in uu raxmaddiisa ka qaadayo, raxmaddaas waxaa ugu mudan sida roobka,nabadda,dhaqaqaalaha,jannada, waxaanu uga beddelayaa alla kama dhigee abaaro nabadgelyo darro, faqri laakiin ,innalaaha qafuururunraxiim  haddii ay ka soo noqdaan waxaa loo furayaa intaas oo oo dhan.

Haddaba aan is waydiino yaa u sabab noqon kara arritaas foosha xun ee keenaysa in ay ummadi isku nacdo oo aanay waxba isu oggoolaan kalana fogaadaan, ilaahay qoomna ma beddelo iyaga oo iyagu is beddela mooyaane? Waxaa u sabab noqon kara cidda markaas hoggaanka  u haysa ee ay u dhiibteen,

Hoggaamiyeyaasha xilalka dalka iyo umadda u haya.

Waxaad arkaysaa dad masuuliyiin sheeganaya oo goob wada jooga oo wax wada cunaya oo shacabkii ay xilalka u hayeen u hawada u marinaya hadallo  ay iyaga laftoodu isku mudayaan oo liddi isku ah,shacabka walaalaha ah oo dal ka wada dhexeeyo iska horkeeni kara,iyaga oo adeegsanaya qaab kicin qabiil,taasina waa ta keenaysa in ay shacabku ku kala fogaadaan oo ay nacayb kala dhex dhigaan,dabadeed ay colloobaan waxna isu oggolaan waayaan,halkaana xasadku ka dhasho,ilaahayna raxmaddiisa ka qaado,dambigaana waxaa qaadaya oo lagala xisaabtamayaa  Hoggaamiyeyaasha xilalka dalka iyo umadda u haya

Waxaase  massuliyiinta uga wanaagsan in ay dadka ku soo jiitaan qorshe shacabka walaalaha ah iyo dalkooda ay ku hore marinayaan oo ay qabiil walba ku hantiyaan,laakiin haddii uu qabiilkiisa oo keliya u gacan haadiyo,suurtaggal u noqon mayso in ay baabaa,ilkii kale amminaan mana xukumi karo,halkaana waxaa ka iman karta iska hor imaad iyo iyaga oo ku fashilma oo ay ceeb iyo taariikh madoobina kaa raacdo.

Shacabka reer Somaliland

Dalka idinka ayaa leh haddii aad iska dumisaan way idinku adkaan in aad dib uga soo kabataan una soo hanataan, muwaaddin kasta oo dalka kula jooga qabiilka kasta ha ka soo jeedee waa walaalka dalku idinka dhexeeyo ee wada jir ku wada ilaashada,cadaw keliya ayaa wada leedihiin meel uga soo wada jeesta

Hana la badiya Allah kacabsiga si uu raxmaddiisa inoogu arxamo

Hadda laga bilaabo ha la si wada saamaxo

Waxaan ilaahay ka baryeyna in uu abaarta innaga dul qaado demigeennana dhaafo raxmaddiisana inna siiyo.

madaxdana ha loogu duceeyo in Allaah dariqa wanaagsan ku hanuuniyo

Amin

 

 

 

Guddoomiyaha jaalliyadda UK,

Beesha badhtamaha ,koonfurta

iyo bariga Hargaysa.

Ahna guddoomiyihii hore ee

ururka Gaaroodi

Deeq Cabdi Digale