Dulmiga iyo Kufsiga ka jira Puntland iyo habacsanaanta Ina Gaas.
Posted by abdi on January 18 2017 22:03:09

Waxaa kufsi aad u daran isla markaasna aad umadda soomaliyeed uga naxeen ka dhacay gobolka Mudug gaar ahan degaanadda ay Maamulaan Maamulka Puntland.


Extended News

Waxaa kufsi aad u daran isla markaasna aad umadda soomaliyeed uga naxeen ka dhacay gobolka Mudug gaar ahan degaanadda ay Maamulaan Maamulka Puntland,waxaana kufsigaasi la sheegay inay fuliyeen koox dhalinyaro ah isla markaasna saxafadda loo soo gudbiyey Magacyadooda.

Kooxda Kufsiga Fuliyey ayaa la shaaciyey inaysan ciidamada Amaanka Puntland talaabo ka qaadin iyadoo wararku sheegayaan inay si nabad galyo ah u marayaan degaanada Puntland mana jiraan cid isku hawshay inay talaabo ka qaadaan kooxdaas burcadda ah.
Akhriso Magacyadda Dambiilayaasha Fuliyey Kufsigaasi:
Yaasir Maahir Xaashi
Cabdirisaaq Xoosh jibriil
Ayaanle maxamuud cali (Ayaanle Wale)
Yaxye Awkax
Shirwac Jaamac Juunle
Ugu dambeyntii Ma Jiraan cid ka tirsan maamulka Puntland oo arrimahasi ka hadashay ama isku hawshay inay talaabo ka qaado kooxdan burcadda ah ee kufsigaasi u geystey gabar yar oo masaakiin ah isla markaasna jirta 13 sano.

Hargeysa Online

 

Hargeysa Online