Mawduucii doorka aqoonyahanka iyo horumarka Dr bulhan iyo prof siciid.
Posted by abdi on January 20 2017 07:38:30

Waxaan runtii caawa ka faaidnay mawduuc wanaagsan oo ay isla qaadaa dhigeen Dr bulhan iyo prof saed Waxaa soo agaasimay aqoonyahanka reer somaliland.


Extended News

Waxaan runtii caawa ka faaidnay mawduuc wanaagsan oo ay isla qaadaa dhigeen Dr bulhan iyo prof saed Waxaa soo agaasimay aqoonyahanka reer somaliland ee india wax kusoo bartay machadkooda KULAN RESEARCH CENTRE iyo Shirkadda Telesom oo kaalin wayn ka qaadatay sidii u hirgali lahayd iyo Dallada Sonyo oo kaalin wayn ka qaadatay .

img-20170120-wa0002.jpg

img-20170120-wa0016.jpg

img-20170120-wa0017.jpg

img-20170120-wa0020.jpg

img-20170120-wa0022.jpg


Waxaa ugu horayn hadal ka jeediyay iftiiminaya ujeedada lecture Hogaanka sarre machadka KULAN RESEARCH CENTRE mudane mukhtaar Mukhtar Haji Cabaydh wuxuu iftiimiyay baahida machadka keenay in la abuuri oo ah in la tayeeyo xafiisyada dawlada si mutadawacnimo leh in kaalinta siyaasada wadanka la cilmiyeeyo oo wax lagu kordhiyo .Waxaa kale oo halkaas ka hadlay Engineer mahamuud Abu Afrah M. Dhergiye oo dhiirigaliyay dhalinyartii mesha isugu timid wuxuuna hordhac ka bixiyay heerka aqooneed iyo shaqeed ee Prof siciid uu leeyahay Sidoo kale waxaa ka hadlay halkaas xubnaha sarre ee machadka Mudane Ahmedyasin Sheekh oo tafaasiil dheer ka bixiyay isbadalja nololeed inasoo wajahay oo xaalad adag ina galiyay wuxuuna taabtay in qolka madow lagasoo baxo Come out of the box waxaanu halkaa ka akhriyay hordhac kooban oo sharxaysa heerka aqooneed iyo shaqeedba ee Dr Xuseen C/laahi bulxan oo aan la dhmayan karin wuxuuna kusoo dhaweeyay in lecture kii bilaabmo ugu horayna waxaa qaatay
1-prof saed muxumed jibril wuxuu si wanaagsan u qaadaa dhigay hanaanka hogaanka wanaagsan ee hagi kara ummadan wuxuu taabtay tayada hogaanku in ay muhiim tahay in attitude ugu muhiimsan yahay oo macnaheedu tahay in akhlaaqda hogaanku dhisnaanto si uu dadka u dhiso wuxuu kaloo taabtay in hogaan si loo helo dhaqaaq la sameeyo lana dhiirado 
2-Prof bulhan wuxuu naga saaray jiiro wuxuu naga saaray qolkii madoobaa ee tafiirta abtirsiinta salka u ahayd waxaanu noo saaray in  iftiinka dayaxa la gaadho mawjadan madawna laga baxo gacmaha la is qabsado xuduuda la inoo dhigayna la dhaafo wuxuu 2 saacadood waday khudbadiisii wuxuu KULAN RESEARCH CENTRE ku amaanay kaalintay wanaagsan ee ay udhaqaaqeen iyo inuu garab taagan yahay meelo badana ku xidhi doono 

 

W/qoray Ahmed nuur Geology