Majaajiliiste Ajakis oo dib loogu soo celiyay Muqdisho.
Posted by abdi on January 22 2017 00:30:27

Majaajiliste Cabdi Muuriidi Dheere Ajakis ayaa dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho kadib markii lagu xiray magaalada Hargeysa.


Extended News

Majaajiliste Cabdi Muuriidi Dheere Ajakis ayaa dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho kadib markii lagu xiray magaalada Hargeysa oo sida la sheegay uu uga sii gudbi lahaa dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

 

Video


Ajakis oo markii uu magaalada Muqdisho ku soo laabtay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maareeyahay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa amray xarigiisa, kadib markii sida uu hadalka u dhigay lagu eedeeyay in uu aflagaado ku geystay madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Max’ed Max’uud Siilaanyo.
‘’Markii aan diyaarada ka soo degay jirdil ayaa la ii geystay darbiga ayaa madaxa la iiga dhuftay, maareeyaha garoonka ayaa xarigeyga amray, isaga oo leh sow ma tihin ninkii madaxweynaha aflagaadeynayay, sidaa ayaan xabsiga ku gallay’’ ayuu yiri Cabdi Muriidi Dheere Ajakis.
Hasse ahaatee wararka ka soo baxaya dhinaca magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in fanaanka xabsiga la dhigay kadib markii laga waayay warqadihii ogolaanshaha uu magaalada ku soo galay, taasoo keentay in go’aaan lagu gaaro in dib loogu celiyo magaalada Muqdisho oo markii uu ka soo safray.

Hargeysa ONline