Al-Shabaab oo Weerar ku Qaaday Afgooye.
Posted by abdi on January 23 2017 21:46:58

Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa weerar xooggan kusoo qaaday magaalada Afgooye ee Shabeellada Hoose. Waa weerarkii labaad ee Al-Shabaab.


Extended News

Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa weerar xooggan kusoo qaaday magaalada Afgooye ee Shabeellada Hoose. Waa weerarkii labaad ee Al-Shabaab ay bishan gudaheeda kusoo qaado magaaladaas.


Weerarkan culus ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay kaga soo qaadeen dhinaca galbeedka.

Dadka deegaanka ayaa Hargeysa Online u sheegay in weerar ay soo qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab, kaasi oo ay jebiyeen ciidamada dawladda balse mar labaad ay haddana Al-Shabaab soo qaadeen weerar rogaal celis ah.

Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan.

 

Hargeysa Online