Madaxweyne Trump oo Maxkamad Lala Korayo.
Posted by abdi on January 23 2017 21:57:24

Donald Trump ayaa madaxweyne ah kaliya maalmo kooban, hase yeeshee koox isha ku haysa anshaxa ayaa diyaar u ah inay diiwaan geliso.


Extended News

Donald Trump ayaa madaxweyne ah kaliya maalmo kooban, hase yeeshee koox isha ku haysa anshaxa ayaa diyaar u ah inay diiwaan geliso dacwad ka dhan ah, ayada oo tuhmeysa inuu jebiyey qodob ka mid ah dastuurka.

Kooxda dhinaca bidix u janjeerta ee mas’uuliyadda iyo anshaxa ee Washington, loona soo gaabiyo CREW ayaa shaaca ka qaaday inay dacwadan maanta ka diiwana gelin doonto maxkamadda federalka ee Manhattan.

Qodobka lacag qaadashada ee dastuurka ayaa quwadaha shisheeya oo ay ku jiraan dowladaha ka mamnuucaya inay lacag ama haddiyad siiyaan madaxweynaha Mareykanka, ayada oo aanu ansixin congress-ka

Sida uu qoray wargeyska New York Times, oo markii ugu horreysay shaaca ka qaaday arrintan axadii, dawacdda ka dhanka ah Trump ayaa waxay maxkamadda weydiisan doontaa inay madaxweynaha ka joojiso inuu wax lacag ah ka qaato hay’adaha shisheeye.

CREW ayaa sheegtay in maadaama Trump uu diiday inuu iska fogeeyo ganacsigiisa “uu iminka lacag ka helayo dowlado shisheeye ayada oo dhacdooyin lagu qabsanayo hoteeladiisa, islamarkaana la kireysanyo dhismayaashiisa”.

 

Hargeysa Online