Ururka gobolleedka IGAD oo ka shiray abaarta Somaliya
Posted by ifraax on January 24 2017 22:27:27

Wasiirada Wadamada IGAD ee qaabilsan dhirta, beeraha daaqa iyo kahortaga abaaraha ayaa shir ay ku yeesheen magadaalada Addis Ababa ee dalka itoobiya.


Extended News

 

Wasiirada Wadamada IGAD ee qaabilsan dhirta, beeraha daaqa iyo kahortaga abaaraha ayaa shir ay ku yeesheen magadaalada Addis Ababa ee dalka itoobiya waxay ku daah fureen Mashruuc  iskaashi kahortaga abaaraha gobolka iyo isu gudbida xuduudaha ee dadka iyo xoolahaba sidii horumar loogu gaari  lahaa.
Shirka waxaa shir  gudoominayay wasiirka xanaanada xoolaha iyo kaluumeysiga ee Itoobiya Waxaana isku soo duba riday shirka Xoghayaha Guud ee IGAD Ambassador Mahbuub Moalim,iyo Ambassador Adam Kuach oo ah Madaxa Midowga Yurub u fadhiya dalalka IGAD ee fadhigiisa yahay Djabouti.
Waxaa Shirka sidoo kale  ka qaybgalay oo soomaaliya u matalayay wasiirka X.Xoolaha ,Dhirta & daaqa Somalia Saciid Xusseen Ciid oo sidoo kale ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ee Jamhuuriyadda soomaaliya ,Wasiirka Deegaanka iyo Keymaha South Sudan Hon.Josephine Napwon Cosmos,Wasiirka Beeraha iyo Keymaha Suudaan Prof.Ibrahim Adam Aldukheyri,Wasiirka Diyaargarowga Masiibooyinka iyo Qaxootiga ee Uganda Hon.Musa Eweru, Wasiirka Golaha Sare deegaanka ee Khartoum General Omar Ahmed Nimir,Xoghayaha Joogtada ah ee Qorsheynta iyo Maamul Daadajinta ee Kenya Ms.Josephta Oyiela Mukobe, iyo Wakiilka Gaar ah iyo lataliye Sare ka hortaga Abaaraha Wasaarada Beeraha Djabouti Mr.Ismail ELmi Habaneh.
Mashruucaan oo ah mashruuc ay iska kaashanayaan Wadamada Kenya Somalia iyo Itoobiya ayaa waxaa maalgalinaya Midowga Yurub waxaanu ku kacayaa aduun dhan 63 Milyan oo Euro.
Shirkaan aya waxaa diirada lagu Saaray abaaraha kasii daraya eeku habsadey wadamada Bariga Africa iyadoo la isku raacay in Somalia ay tahay meelaha ugu khatar badan,waxaa shirku isla ogolaadey qodobo muhiim ah oo ay ka mid tahay in Shir madaxeedka soo socda la horgeeyo qodobo la taaban karo oo lagula tacaalayo abaaraha saamayntoodu xumaanayso ee gobolka ka jira
Waxaa kale oo kamid ahaa in bah-wadaagta caalamiga ahi ay gacan weyn ka gaystaan sidii loo yareyn lahaa saamaynta iyo dhibka ay gaystaan abaaraha.
Ugu danbeyntii, waxaa iyagana doorkoodashirka si weyn uga soo qeybqaatay wadamada iyo ururada deeqda bixiya ee caalamiga ah kuwaasoo balan-qaaday inay si dhow ula soconayaan saamaynta isa soo taraysa ee abaarahu ku yeesheen dadka iyo xoolaha bariga Africa.

Hargeysa Online