Guddoomiyaha sarifleyda Hargeysa oo ku dhintay gudaha saldhiga booliiska.
Posted by ifraax on January 26 2017 22:30:14

Guddoomiyihii sarifleyaasha magaaladda Hargeysa ayaa maanta ku geeriyooday saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa.


Extended News

Guddoomiyihii sarifleyaasha magaaladda Hargeysa ayaa maanta ku geeriyooday saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa oo shalay lagu soo xiray. Guddoomiyaha sarifleyaasha marxuum Cabdilaahi Cali Bare oo ka mid ahaa shan qof oo shalay loo soo xiray arrimaha sarifka lacagaha kadib markii ay ka hor yimaadeen go’aankii lagu amray in aanay dhaafin sarifka ayaa saldhiga ku dhex dhintay. Wararka ka agdhow saldhiga ayaa sheegaya in markii uu quraacday uu geeriyooday, waxaanu hadda la dhigay dhakhtarka weyn ee magaaladda Hargeysa.Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliland Yaasiin Xaaji Max'uud Xiir ayaa BBC-da uu sheegay in geerida marxuumka wax xiir ah la laheyn xarigiisa.''Wuu quraacanayay, waxaan u maleynayaa mid ka mid ah Ilkiisa oo dhacday in ay raashinka u sii raacday oo cunaha ka joogsatay, Dhakhtarka ayaa loola cararay intii la sii waday ayuu dhintay'' ayuu yiri wasiirkaUgu danbeyntii, ilaa hadda waxaa arrimaha sarifka u xiran shan qof, halka sarkaal ka tirsan shirkadda TELESOM oo isagu ka hor yimid amarkii ka soo baxay golaha wasiiradda isna wuu xidhan yahay.

Hargeysa Online