C/raxmaan Faroole oo sheegay in Muqdisho qolo gaar ah ayaa hada u badan
Posted by ifraax on January 26 2017 22:35:58

Madaxweynihii hore ee dowlad gobolleedka Puntland C/raxmaan Max’ed Maxamuud Faroole oo hada ah xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya.


Extended News

Madaxweynihii hore ee dowlad gobolleedka Puntland C/raxmaan Max’ed Maxamuud Faroole oo hada ah xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in magaalada Muqdisho u baahan tahay in mar kale la soo celiyo maqaamkeedii hore.
Mar uu xalay khubad ka jeedinayay munaasabad casho sharaf aheyd oo uu soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Banaadir ayuu sheegay in dowlada cusub ee dhismeysa ka rajeynayo in ay noqonto dowlad dib u hishisiisiin ah.
‘’Haddii aan labadii aqal dhisnay, federaalkii hergalinay, maanta aan qarka u taagannahay in aan dhisno dowlad Soomaaliyeed, waa in dowladaasi noqotaa mid dib u hishiisiineed, ma rabno magacayadan hada la sheegsheegayo ee afarta ah, waa in asxaabtii shaqeeyaan oo  xisbiyo looga gudbaa nidaamka qabiilka’’ ayuu yiri C/raxmaan Faroole.
Dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday arinta magalada Muqdisho ayuu sheegay in magaalada Muqdisho ahaan jirtay sida uu hadalka u dhigay magaalo Soomaaliyeed oo la wada degan yahay, balse lagu kala guuray waayadii danbe.
‘’Magaalada Muqdisho waxaa ay ahaan jirtay magaalo la wada degan yahay, laakiin waayadii danbe waa lagu kala guuray oo hada qolo gaar ah ayaa u badan, waxaan ka rajeynayaa maamulka gobolka Banaadir in la soo celiyo maqaamkii ay laheyd magaalada Muqdisho, hantidana leysku celiyo, ‘’ ayuu yiri madaxweynihii hore ee Puntland.

Hadalka madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole ayaa imnaanaya xili dhawaan la filayo in ay dalka ka dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya

Hargeysa Online