Xarunta Villa Hargeysa waxaa siweyn uga soctay diiwaangalinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha,
Xarunta Villa Hargeysa waxaa siweyn uga soctay diiwaangalinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha, waxaana ilaa iyo hadda la diiwaangaliyay 12 musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya. Maalinta beri ah ayaa la filayaa galinka danbe in la soo gabagabeeyo diiwaangalinta musharixiinta xilka madaxweynaha sida ku qoran jadwalka doorashada ay soo saareen gudiga qaban-qaabada. Musharixiinta iliaa iyo hadda is diiwaangaliyay ayaa waxaa ka mid ah : Sheekh Shariif Sheekh AxmedCumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.Cabdiqaadir Cosoble Cali.Maxamuud Maxamed Culusow.Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.C/naasir Cabdulle Maxamed.Bashiir Raagge ShiiraarAmb. Maxamed Cali AmeerikoMaxamed Cabdullaahi FarmaajoJabriil Ibraahim CabdulleC/raxmaan C/shakuur WarsameXasan Sheekh Maxamuud Guddiga doorashada madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in isdiwaan gelinta Musharaxiinta ay u socoto si wanaagsan, islamarkaana ay ku rajo weyn yihiin in lagu soo gaba gabeeyo waqtigii loogu tala galay oo ah maalinta beri ah.
Hargeysa Online