Xukuumadda iyo Shirkadda TELESOM oo isku afgartay go’aamaddii madaxweyne Siiraanyo.
Posted by abdi on January 28 2017 22:25:05

kulan ay ku kala garnaqsanayeen guddidii madaxweynuhu u magacaabay qiimo u yeelida shilingka Somaliland iyo madaxda shirkadda TELESOM.


Extended News

 

kulan ay ku kala garnaqsanayeen guddidii madaxweynuhu u magacaabay qiimo u yeelida shilingka Somaliland iyo madaxda shirkadda TELESOM ayaa saacaddo badan ku qaatay xarunta madaxtooyadda sida uga doodayeen fulinta go’aamaddii xukuumadda ka soo baxay. Labadda dhinac ayaa markii dambe isku afgartay laba qodob oo ah in la fuliyo go’aaamaddii iyo in farsamo ahaan 48 saacadood ee loo qabtay nidaam ka saaridda boqol doolar wiixi ka yar aanay ku filnayn. Kulankan garnaqsiga waxa xalay markii uu soo dhamaaday ka hadlay wasiirka madaxtooyadda Maxamuud Xaashi iyo gudoomiyaha guud ee shirkadda TELESOM Cabdikariim Maxamed IID. Ugu horeyn wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi oo ka hadlaya wixii ay isku afgarteen waxa uu yidhi “Waxaanu kulanay Guddigii qiimo u yeeladda shilling Somaliland madaxweynuhu u xil saaray iyo madaxda Telesom, waxaanay ahayd ujeedadiisu in aanu ka wada hadlno dhaqangalintii go’aamaddii xukuumadu soo saartay,ee salka ku hayey sidii loola dagaalami lahaa qiimo dhaca shilling Somaliland, oo baryahan dambe dhawaac wayni gaadhay, xukuumadda taladda haysaana waxa ku waajib ah inay ka shaqayso sidii ay u kobci lahayd lacagtu, qiimana u yeelan lahayd” Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “waxa kamid ahaa qodobadda soo baxay adeegyadda Edahab iyo Zaad laga saaro boqol doolar wixii ka yar oo ah laba numbar wixii ka yar ku iibsigoodda, adeegga Zaad iyo Edahab dawladdu ma xidhin, shirkadaha dahabshiil iyo Telesom waa shirkadihii ugu waaweynaa wadanka, masuuliyad ayaa xukuumad ahaan naga saaran ilaalintoodda iyo korintooddaba, iyaga masuuliyad weyn baa ka saaran inay ilaaliyaan qarankoodda iyo sumcadiisa, labadda adeeg wixii boqol dolar ka weyn lama xidhin, sidoodii ayey u shaqaynayaan, laakiin wixii boqol dolar ka yar uun baa laga saaraya oo waxa halkoodii galaya shilingka Somaliland, nuxurka ugu weyni waxay ahayd in Shiling Somaliland inay hesho fakaag ay ku socoto, inay muhiimada ay adeegyadaasi inoogu fadhiyaan garwaaqsan, ayaanan wada xidhin, shirkada TELESOM madaxdooda halkan baanu ku kulanay, waxaanu in badan ka wada hadlaynay sidii go’aankaasi loo fulin lahaa, waxay ka cawdeen waxani inuu yahay system wakhti dheer lagu sameeyey u baahan wakhti, sidii looga saari lahaa systamkaasi, waxa kale oo noo soo bandhigeen in xilli abaareed lagu jiro dad badan oo muwaadiniin ahi ay Zaadadka lacag ku haystaan, goobo wax kala baxaan ka fog, qaarkood xadka ka talaabeen, waxay noo soo gudbiyeen in farsamo ahaan arintaasi adag tahay” Labadda dhinac waxay isku raaceen, waxay tahay “waxaanu isku raacnay laba qodob, in go’aamadii xukuumadda la meel mariyo oo la fuliyo, shirkadda TELESOM ogolaaday in go’aankaasi la fuliyo, waxa kale oo aan garwaaqsanay cabatinkoodii shirkada TELESOM ee ahaa in 48 saacadood ee aanu u qabanay farsamo ahaan ku yar yahay inay systamkaasi bedelaan, waxaanu isla qaadanay in guddi farsamo qabsanno oo nagala talisa xukuumad ahaan xiliga ugu haboon wakhtiga la jaangoynayo in systaamkaasi laga saari karo boqolka dollar wax ka yar, iyago qoraal ay noo akhriyeen ayey noo keeni doonaan, anaguna guddida madax banaan baanu xukuumad ahaan la tashanaynaa, wakhtiga laga saari karo systamkaasi, marka waxaanu cadaynaynaa in shirkadad TELESOM isla qaadanay in la fuliyo go’aankaasi anaguna ka garwaaqsanay in wakhtigu ku yar yahay oo iskula soo noqon doono wakhtiga ku haboon ee systamkaasi laga saari karo. Waxa kale oo aan halkan ka sheegaya in shirkadda DAHABSHIIL waraaq noo soo qortay ay ku cadaynayso inay fulinayaan go’aankaasi oo ay qaateen” Dhinaca kale, shirkada TELESOM oo uu hadlay maareeyaha guud ee shirkadda Cabdikariin Maxamed Iiid waxaanu yidhi “waxaanu galabta ilaa caawa (xalay) wada fadhinay guddidii uu madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo u magacaabay wax ka qabadka sicir bararka shilling Somaliland, wada hadal dheer, garowshiiyo dhinac walba ka yimid, waxaanu aad iyo aad ugu mahad celinaynaa gudida uu horseedka u yahay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaanu isla qaadanay in shirkad ahaan soo dhoweyno go’aankaasi xukuumadda ka soo baxay, arrintu arrin farsamo ayey u baahatay, waxaanu isla qaadanay in farsamo ahaan la isla eego, waxaan macaamiishayadda u sheegayna in adeegii wax isbedel ahi aanu jirin, waxaana guddida farsamo ee xukuumaddu soo magacaabi doonto wada shaqayn fiican la yeelan doonno.

Hargeysa Online