Maxkamadda ICJ oo Aqbashay Codsigii Somaliya.
Posted by ifraax on February 02 2017 23:41:37

Garsoorayaasha maxkamadda ugu sareysa QM ayaa maanta xukmiyey inay sharci u leedahay inay qaado kiiska muranka dhinaca badda.


Extended News

Garsoorayaasha maxkamadda ugu sareysa QM ayaa maanta xukmiyey inay sharci u leedahay inay qaado kiiska muranka dhinaca badda ee u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.


Ayada oo la jirsatay Soomaaliya, ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda waxay diiday doodii Kenya ee ahayd in heshiiska u dhaxeeya labada dal uu ka dhigan yahay in muranka u dhaxeeya ay ku xaliyaan meel ka baxsan maxkamadda.

Xukunkan ayaa waxa uu macnihiisu yahay in kiiska soohidna badda ee ay maxkamadda geysay Soomaaliya kana dhanka ah Kenya uu sii socon karo, taasi oo ah hanaan sanado badan qaadan kara.

Dhul badeedka muranka uu ka taagan yahay ayaa la rumeysan yahay inuu hodan ku yahay shidaalka iyo saliidda.

 

Hargeysa Online