Wasiirka Daakhiliga oo ka hadley imaatinka Cali khaliif galaydh ee Hargeysa.
Posted by abdi on February 06 2017 22:38:18

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Farotoon, ayaa ka hadlay imaanshiyaha Hogaamiyaha Khaatumo Cali Khalliif Galaydh ee magaaladda Hargeysa,


Extended News

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Farotoon, ayaa ka hadlay imaanshiyaha Hogaamiyaha Khaatumo Cali Khalliif Galaydh ee magaaladda Hargeysa, waxaanu sheegay in ka dib markii loo diiday inuu Buuhoodle ka dhoofo loo ogolaaday inuu Hargeysa ka dhoofo.

 
Wasiir Farotoon ayaa sheegay in Cali Khaliif Galaydh u aqoonsan yihiin muwaadin reer Somaliland balse aaminsan fikrad ka duwan ka dadweynaha Somaliland aaminsan yihiin.
“Waa Run Cali khaliif Galaydh Hargeysa ayuu saaka yimid, isagoo ka soo anbo baxay gobolka Buuhoodle soona maray wadadda laamidda ah ee ka timaadad magaaladda Laascaanood, ee soo gasha magaaladda Burco,halkan buuna saaka ku soo waaberiistay waxaanu ka duulay garoonka Hargeysa isagoo usii jeedda wadanka Jabuuti oo uu ka furmayo wada hadaladdii isaga iyo Somaliland u dhexeeyey”ayuu yidhi wasiir Farotoon oo ka hadlayey imaanshiyaha hogaamiyaha KHaatumo.
Mar wax laga waydiiyey sababta Cali Khaliif Galaydh loogu soo dhoweeyey magaaladda Hargeysa waxa uu yidhi “Cali KHaliif Galaydh waa la ogyahoo jabhad mucaarad ah ayuu madax ka ahaa, wuxuu sheeganayey maamul uu madax ka yahay qaybo dalka ka mid ah, dawladuna wada hadal ayey la gashay oo la doonayey in si qabow lagu dhameeyo, imika wada hadalkii ayaa socda, wax diidmo ah iyo wax laga hor joogsaday inuu soo galana ma jirin, waxaana loo ictiraafsan yahay muwaadin reer Somaliland ah oo aaminsan firkad aan u cuntamin dadweynaha inteedda kale, marka taas uun waa wada hadalka keentay”.
Si kastaba ha haatee, wefti uu hogaaminayey Cali Khaliif Galaydh ayaa saaka markiii uu magaaladda Hargeysa soo galay la dajiyey hoteel Ambassador ee magaalada Hargeysa, markii uu ka quraacday markiiba diyaaradda ka raacay kuna sii jeeday wadanka Jabuuti.

Hargeysa Online