Cali Khaliif Galeyr oo Burco tagay isaga oo safar dhulka ah.
Posted by abdi on February 06 2017 22:47:16

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galayr oo shalay ciidammo beleed deeganka Buuhoodle ku sugan ay u diideen in uu ka duulo..


Extended News

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galayr oo shalay ciidammo beleed deeganka Buuhoodle ku sugan ay u diideen in uu ka duulo garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle ayaa xalay goor dambe gaaray magaalada Burco ee gobolka Togdheer isaga oo dhulka ku safray.

 
Cali Khaliif iyo wafti uu hogaaminayo oo ka tirsan maamulka Khaatumo ayaa diyaarad uu shalay ka raaci lahaa Buuhoodle isaga oo ku sii jeeda Jabuuti leyska hortaagay.
Gudoomiyaha gobolka Togdheer ee xaruntiisu tahay magaalada Burco Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa BBCda u xaqiijiyay warkan.
Cabdifataax Baydan oo ah taliyaha ciidan beeleedkii Buuhoodle ku xanibay Galayr ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn wadahadalada uu kula jiro Soomaaliland.
Warar dhinaca kale oo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Khaatumo laga yaabo in garoonka magaalada Hargeysa ka dhoofo isaga oo ku sii jeeda dalka Jabuuti, kaddib markii leysku hortaagay garoonka diyaaradaha magaalada Buuhoodle.

 

Hargeysa Online