War deg deg ah’’ Max’ed C/llaahi Farmaajo oo noqday madaxweynaha Soomaaliya.
Posted by abdi on February 08 2017 22:43:27

Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi u xaqiijiyay in uu madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii uu wareegii saddexaad ka tanaasulay.


Extended News

Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi u xaqiijiyay in uu madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii uu wareegii saddexaad ka tanaasulay madaxweynihii hore Xassan Sheekh Max’uud oo ay isugu soo hareen wareegii.

Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegii labaad ku soo baxay 185, hasse ahaatee markii loo diyaar garoobay wareegii saddexaad ayaa waxaa ka tanaasulay doorashada Xassan Sheekh Max’uud oo helay codad dhan 97, halka Shariif Sheekh Axmed uu helay 46 cod. Ugu danbeyntii, lagu dhawaaqay in madaxweynaha Soomaaliya afarta sanno ee soo socta uu noqonayo Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.

Hargeysa Online