Maraykanka oo sheegtay in ay si dhow ula Shaqayn doonto Madaxweyaha Cusub ee Somalia.
Posted by abdi on February 09 2017 22:17:57

Dowladda Maraykanka ayaa si diiran u soo dhaweyasay Doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho.


Extended News

Dowladda Maraykanka ayaa si diiran u soo dhaweyasay Doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho ,taasi oo lagu doortay Maxamed C/laahi Farmaajo, waxaana doorashadan si xalaal uga qaybgalay xubnaha labada aqal ee Somalia.

 

 “Waxaa dowladda Maraykanka ay shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynaysaa in la soo gaba-gabeeyay ololihii dooraashada si lamid ah waxaan Maxamed Cabdulahi Farmaajo ugu hambalyaynaynaa in uu noqday madaxweynaha cusub ee dalka “ ayaa lagu yiri war- koobaan oo ka soo baxay waaxada arimaha dibadda.
“Waxaan ku amaanaynaa ciidamada Somalia iyo kuwa Midowga Afrika dadaalkii ay bixiyeen lixdii bilood ee la soo dhaafay .kuwaasi oo suurta-galiyay in doorashadu ay si xasilooni ah u dhacday “ ayaa ma kale lagu yiri warkan.
War-saxafadeedkan ayaa ugu baaqay dowladda cusub in ay ka hortagto musuq-maasuq la sheegay in uu ka jiro gudaha Somaliya ,iyadoo si gaar ah loogu mahad-celiyay dhalinyaro badan oo ku jira xildhibaanada dalka ,kuwaasi oo awood u yeeshay in ay codkooda ku taageeraan madaxweynaha ay shacabku doonayaan.
 “Dowladda Maraykanka waxa ay rajaynaysaa in ay si dhow ula shaqasyo madaxweynaha cusub iyo xukuumad-da la soo dhisi doon , isla markaana ay wax ka qabtaan dib u heshiisiinta ,abaarta amniga iyo waliba hay’adihii kale ee dowliga lahaa si loo gaaro maamul wanaag iyo horurmar” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay warkan ka soo baxay Maraykanka.
Ugu danbayn ,doorashadan oo in badan ka mid ah dadweynaha Somaaliyeed ay u dabaal- dageen ayaa ka duwaynayd doorashiyinkii horey dalka uga soo dhacay ,waxaana sida muuqatay ay u dhacday si habsami leh oo ka fog wax is-daba marin.  

Hargeysa Online