Ururka Qareenadda oo xukuumadda ku Dhaliilay Qarsashada Heshiisyada Waaweyn ee ay gasho.
Posted by abdi on February 11 2017 22:30:25

Ururka Qareenadda Somaliland ayaa sheegay in aanay xukuumadda Somaliland waxba kala socodsiin Heshiisyadda waaweyn ee ay kula gasho dalalka kale khayraadka.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Ururka Qareenadda Somaliland ayaa sheegay in aanay xukuumadda Somaliland waxba kala socodsiin Heshiisyadda waaweyn ee ay kula gasho dalalka kale khayraadka dalka si talo sharci ay uga dhiibtaan.


Agaasimaha guud ee Ururka qareenadda Somaliland  C/raxmaan Cismaan Jaamac oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa ay ka qabtaan muranada sharci ee ka dhasha Heshiisyada Caalamiga ah ee ay xukuumaddu la gasho dalal ka kale mar uu ururkoodu warbixin ka jeedinayey kulan ay dallada Ururada bulshada Somaliland ee SONSAF ku qabatay magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay in aanay xukuumaddu waxba kala socodsiin.
Agaasime C/raxmaan waxa uu xukuumadda ku dhaliilay inay qarsato Heshiisyadaas, isagoo tilmaamay haddii au usoo bandhigi lahayd inay talo sharci ka siin lahaayeen, isagoo tilmaamay muhiimadda sharciyan Heshiisyadaasi leeyihiin inay noqdaan kuwo bulshada loo soo bandhigo.
Ururka qareenadda Somaliland waxa kale oo ay sheegeen xukuumaddu in aanay ku dhaqmin shuruucda Miisaaniyadda ee dalka u taala, isagoo sheegay in ay u isticmaasho sida ay doonto.
Agaasimaha Ururka ayaa munaasibadaasi oo lagaga hadlayey Cadaaladda iyo Xuquuqal Insaanka ka sheegay Urur ahaan inay wax badan ka qaban doonaan dhibaatooyinka sharci darada ah ee Dalka ka jira.

Hargeysa Online