Dowladda Burundi oo ciidamo cusub geysay dalka Soomaaliya.
Posted by ifraax on February 15 2017 22:56:45

Dowladda Burundi ayaa ciidamo cusub geysay Soomaaliya, kuwaas oo badali doona ciidamadii horay uga howlgalayay gudaha dalka Soomaaliya.


Extended News

Dowladda Burundi ayaa ciidamo cusub geysay Soomaaliya, kuwaas oo badali doona ciidamadii horay uga howlgalayay gudaha dalka Soomaaliya ee ka socday isla dalkaasi Burundi.

Ciidamadan ayaa gaaray magaalada Muqdisho maalintii shalay, waxayna badalayaan guutada 34-aad ee Burundi ka joogay Soomaaliya sanadkii la soo dhaafay.
Guutada cusub oo ah midda 40-naad ee ciidamada difaaca Burundi, oo AMISOM ka mid ah ayaa howlgallo cusub ka billaabi doono Soomaaliya, sida AMISOM ay sheegtay.
Taliyaha ciidamada cusub oo shalay markii Muqdisho ay gaareen hadlay ayaa tilmaamay inay ciidamadan ay gacan ka geysan doonaan xasillinta Soomaaliya.
 Gaashaanle Leonidas Nsingirankabo, wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin howl cusub inay Soomaaliya ka qabtaan.
"Ciidamadeyda waxay diyaar u yihiin shaqada ka horeysa iyo sii waadidda xasilinta Soomaaliya. Waxaan ku shaqeyndoonnaa xeerarka caalamiga ah iyo anshax si aan guul uga gaarno dagaalka", ayuu yiri gaashaanle Nsingirankabo.
Ciidamada hadda la badalayo waxey xarumo ku lahaayeen Jowhar, howshoodana waxay ahayd nabad ilaalin.
Tallaabadan ayaa imaaneyso ayadoo Burundi ay dhawaan ku hanjabtay inay ciidamadeeda kala bexeyso Soomaaliya.
Ugu danbeyntii, dowladda Burundi ayaa horay u sheegtain mushaar aysan helin bilihii ugu dambeeyay ciidamadood, kadib markii dalalkii deeqda bixinayay ay dhaqaalaha yareeyeen.

 


Hargeysa Online