Somaliland oo codsatay in laga saaro liiska dalalka Trump uu ku soo rogay xayiraada Socdaalka.
Posted by ifraax on February 15 2017 23:02:37

Xukuumada Somaliland ayaa ka codsatay dawlada Donald Trump ee Mareykanka in laga saaro liiska dalalka Trump uu ku soo rogay xayiraada Socdaalka.


Extended News

Xukuumada Somaliland ayaa ka codsatay dawlada Donald Trump ee Mareykanka in laga saaro liiska dalalka Trump uu ku soo rogay xayiraada Socdaalka. Dhawaan ayaa Donald Trump uu kusoo rogay xayiraad dhanka socdaalada Mareykanka ah dadyowga todobo dal oo dalka Soomaaliya uu kujiro.

 

Somaliland ayaa dalabkaan dooneysa in loo meel mariyo maadaama ay aaminsan tahay xukuumadeedu inay gaar ka tahay inta kale ee Soomaaliya. Bayaan uu soo saaray wasiirka Somaliland u qaabilsan amuuraha dibada Sacad Cali Shire ayaa lagu xusay in Isniintii dawlada Somaliland ay warqad u qortay dawlada Mareykanka taasoo ay ku codsatay in xayiraada dadkeeda laga badbaadiyo. Waxay xukuumada Somaliland ku andacootay oo warqadaa ay ku dhigtay in Somaliland aysan ka jirin ururo sida al-Shabaab oo kale ah balse al-Shabaab uu yahay urur ka dagaalama Soomaaliya. Somaliland ayaa shaacisay inay ka go'day inta kale ee Soomaaliya sanadkii 1991 blasé wali ma helin aqoonsi ah inay tahay jamhuuriyad gooni u taagan.

Hargeysa Online