Madaxweynaha cusub maxaa horyaala Ammaano cirkaa diiday, oo dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.
Posted by ifraax on February 16 2017 11:08:08

Soomaaliya waa markii labaad ee dawlad lagu doortay ama lagu dhisay dalka gudihiisa. Markii ugu horeysay waxa lagu doortay dawladda.


Extended News

Soomaaliya waa markii labaad ee dawlad lagu doortay ama lagu dhisay dalka gudihiisa. Markii ugu horeysay waxa lagu doortay dawladda uu hogaaminayay Madaxwaynaha xilka ka degay, Xasan Sheekh Maxamuud. Sida la ogyahay Xasan Sheekh wuxuu ku soo baxay farogelin dibadeed isaga oon hore loogu aqoon siyaasadda ee markii ugu horeysay uun ay ahayd kana bilaabay jagada Madaxwaynaha. Waxa loo arkayay nin kooxeed oo ay ka dambaysay koox-diimeedka Al-islaax (Demjadiid) loo yaqaan oo gacan-saar la leh kooxo kale oo islaamiyiin ah iyo dawlado shisheeye.

 

Su,aashaydu waxay tahay maxaa la gudboon,Madaxwaynaha cusub ee maanta lagu doortay Muqdisho maaha wax aan la filaynin, sidii Madaxwaynihii isaga ka horeeyay, laakiin waxa keliya ee aan la hubin saamaynta ay ku yeelan karayeen labada arin ee inta badan ugu muhiimsan siyaasadda soomaalida marka ay tahay xilliga doorashada oo ah Qabyaaladda iyo Lacagta iyo weliba farogelinta tooska ah ee dawladaha kale ee danaha ka leh arrimaha Somalia, haddii ay yihiin kuwa jaarka, Carabta iyo weliba reer galbeedka. Muddadii ololaha lagu jiray hadaladii Muqdisho ka soo duulduulayay isagu (Farmaajo) kumuu jirin kuwii ay farta ku godayeen in dawlado kale ay wataan ama uu gacansaar la leeyahay oy lacag la daba joogaan.

 

Su,aasha labaad muxuu ahaa madaxweynaha cusubi? Dhinaca kale, muu ahayn musharax reer isku soo raacay oo keligii ka sharaxnaa. Hadadna way muuqatay in taageero mug leh uu haystay sidii ka muuqatay madashii maanta su’aashu markaa saw maaha siduu ku kasbaday taageerada intaa le’eg? Marka ugu horaysa sidii looga bartay doorashooyinka Somalia way noqon wayday doorashadani oo lacagtii baa shaqayn wayday, qabyaaladii baa shaqayn wayday, oo xataa farogelintii shisheeyaha ayaa shaqayn wayday. Waxa shaqaysay is xulafaysi aan qabiil ku dhisnayn oo la magac baxday ISBEDEL-DOON oo cid walba lahaa oo ku heshiiyay kow in Xasan Sheekh aanu mar kale ku soo noqonin kursiga madaxwaynaha, laba in marka ugu horaysa ee la tartamo ee la arko musharaxa ugu taageerada badan ay xulafada Isbedeldoonka isaga ku biirto si Xasan Sheekh meesha looga saaro. Sidii ayaanay horta u dhacday.

 

Su,aasha sadexaad? Haddaba, aragtida is bedelku marka hore ma adka in lagu midoobi karaa marka ujeedadu tahay in shakhsi la doonayo in debedda la dhigo la isu xulafaysto, balse marka isbedelku yahay mid qaran loogu danaynayo oo lagu bedbaadinayo dabcan sheekadu kuma dhamaanayso in hebel laga takhallusay ee waa lagama maarmaan in aragtidii isbedeldoonka ficil loo rogo si looga midho dhaliyo, waana arinka ugu adag ee u yaalla Madaxwaynaha cusub. Marka aan eego intii la tartamaysay waxaan is leeyahay kumuu jirin marka xaqiiqada laga hadlayo mid la is odhan karo wuu kaga haboonaa in uu samayn karo ama hogaamin karo isbedelka maanta Somalia ay u baahantahay, balse ma dhib yara oo Somalia midaysan oo dal ahiba ma jiro. Xaaladda amniga ee Caasimada Muqdisho waa la og yahay xataa Ciidanka jooga millatari, Bilaysba, Nabadsugid iyo kuwa kaleba maaha Xoogag Amni Qaran oo midaysan ama loo wada dhan yahay. Somalia waxa ka jira Madaxwaynayaal kale oo midibi gobollo haysto oo isagu madaxwayne ka yahay oon runtii la malayn karin waxa ay yeeli doonaan iyo xidhiidhka ka dhexayn kara iyaga iyo Madaxwaynaha Dawladda Fedaraalka marka uu xilka la wareego Farmaajo.

 

Su,aasha 4 afraad. Haddaba, madaxwaynaha la doortay marka aad eegtid duruufaha ku xeeran ee Nabadgelyo, Siyaasad, Bulsho iyo Dhaqaaleba hadii aan lala shaqayn ee laga shaqeeyo waxa ka hor iman doona carqalado badan oo sida uu uga gudbi karaa ay adkaan doonto.


Su,aasha 5 shanaad, Si kastaba xaalku ha noqdo eh Madaxwaynaha cusubi wuxuu haystaa fursado aanu haysanin Madaxwaynihii uu bedelay ee Xasan Sheekh.

Marka hore saamaynta Xasan Sheekh uu ku lahaa Somalia waxay ku koobnayd magaalada Muqdisho iyo kooxda Demjadiid. Laakiin Madaxwaynahan cusubi wuu ka saamayn waynaan karaa intii Xasan Sheekh marka ay tahay dhinaca khilaaf xalinta iyo dib-u-heshiinta oo ah furaha xal u helista dhibaatada Somalia. Tusaale ahaan wuxuu soo af jari karaa khilaafka dhinacyada isku hayay Gobollada Dhexe oo salka ku hayay kooxaysi oo aanu Xasan Sheekh dhex ka ahaan jirin ee dhinac ahaa marka laga hadlayo khilaafka Demjadiid iyo ”Ahlu Sunna Wal Jamaaca” oo aan is leeyahay meesha wuu ka saari karaa. Wuxuu Xasan Sheekh uga faro dhuudhuuban yahay inuu xal u heli karo khilaafka labada maamul ee Puntland iyo Galmudug oo uu labadaba yahay. Xataa Khilaafyada ka jira gobolada koonfurta Somalia laftooda isagu nufuud aanu Xasan Sheekh ku lahay ayuu ku yeelan karaa marka ay tahay Jubaland iyo Koonfur galbeedba hadii wada shaqayn wanaagsan iyo taageero ka helo labadooda maamul oo marka la isku daro lixda gobol ee koonfurta Somali (Ex Upper and Lower Juba) ay hoos tagaan.

 

Su,aasha 6) lixaad .Halka ugu adkaan doonta Madaxwaynaha cusub ee Somalia waxaan is leeyahay waa Muqdisho hadii aanu taageero buuxda ka helin dadka Muqdisho iyo agagaarkeeda dega.

 

Su,aasha 7) todobaad. Ugu dambayntii, dhinaca Somaliland xidheedhka uu la yeelan karaa wuxuu noqon karaa wada-hadal run ah. khilaafka u dhexeeya Somalia iyo Somalilandna wuu garanayaa in aanu lahayn xal kale oon ahayn Xal Siyaasi ah. Markaa waa sidii hore haddii hore in uu sii wado wadahadal I jiid aan ku jiido ah iyo in uu runta ku dheeran karo oo sidii hore wax laga bedeli karo. Waayo hadii si kale oo wax loo maarayn karo la waayo ugu dambaysta kama fursan doonto in afti ay Qaramada Midoobay goobjoog ka tahay laga qaado dadka Somaliland ,laakiin ayaa laga qaadayaa ma beesha dhexe mise beelaha darafyada mise dhamaan somaliland oo isu dhan ayaa laga qaadayaa waxaan sugnaaba waa sida ay runtu noqondoonto cidii Taasi  diidaana iyada ayaa  cirka roob ku og.

 

Allaa mahad leh 

By maxamed jeex

Brussels belgium.