Somaliland oo hada lix iyo labatan jirsatay 26 sano ayaa waxa iska soo badalayay magaalooyinka waa waa wayn.
Somaliland oo hada lix iyo labatan jirsatay 26 sano ayaa waxa iska soo badalayay magaalooyinka waa waa wayn iyo dagmooyinka yaryarba maayaro laga soo magacaabi jiray dawlada dhexe ama hadaan si kale u idhaahdo wasaarada arimaha Gudaha ayaa soo magacabi jirtay cida maayar noqonaysa markastana waxa lagu qiimayn jiray qofkaa lasoo magacabayo wax qabadkiisa marka la tijaabiyo mudo hadii waxqabadkiisu liito dawlada ayaa si dhakhso ah ubadali jirtay hadii waxqabad uu la yimaadana waa loo daynjiray.Waxa jirtay in 2003dii wixii kadanbeeyay lasoo doortay dawlada hoose kuwaas oo aanay dawlada dhexe badalkooda iyo magacaabistooda midna aanay shaqo ku lahayn waxana aynu unaqaanaa golayasha deegaanka waxa looga jeedaa waa dad kazoo jeeda deegaanka laga doortay iyaga ayaana u xil saran horumarinta ,wixii isbadal ah ee la samaynayaana iyaga dhexdooda ayay ku xidhantahay cidkale oo soo faro galisaana majirto.Hadaba waxa dhacday in sanadkii 2012kii dadkii la doortay ay noqdeen dadkii ugu liitay abide e la doorto markii la doortay kadib sanadkaa aan kor ku soo sheegnay waxa maayar ka noqday magaalada borama nin la yidhaahdo saleebaan xasan xaddi oo ku magac dheer afarjeeble mudadii uu mayarka ahaa wax qabad wuu jiray haba la dhaliilo marka loo eegu kuwii ka horeeyay waxa labadalay sanadkii 2015 kii wakhtigas oo ladoortay ninkale oo maayar ah oo magaciisa lagu sheegay maydhane oo aan anigu u aqaano ma maydheHadaba intii nikaasi la doortay madadaa labada sano ah ee ninkaa danbe uu maayarka ka yahay magaalada Borama waxay gashay khasaarihii ugu xumaa abid ee ay soomarto dawlada hoose ee borama haba yaraatee magaaladaa borama wax hour mar ah oo uu nikaasi ku soo kordhiyay ma jirto, dhinaca wadooyinka dhinaca nadaafada dayactirka magaalada iskaba daa wax kale waxa la iibshay oo dadka oo dhami ka dharagsanyahay dhulkii danta guud ahaa oo aan wali geed cidi ku hawaysan meelaha qaarkoodna xafiiskiisa ay u jiraan wax kayar 30 talaabo. Waxa kale oo intaa dheer in mashruucii la odhan jiray jibii el jii JPLJ mashruucaasi oo lagu horu mariyo magaalooyinka Somaliland in anu kaba shaqayn mudadaa uu joogay ninkani waxana wararka qaar sheegayaan in lagaba reebay magaalada boorama mashruucaasi ujeedaduna ay tahay faham la,aan iyo jaahilnimo ka timiday dhinaca maayarkan cusub waayo maba aha nin waligii magaalaba wax kazoo arkay hadaa maba aha nin wax akhriya jaahilnimadaasi waa ta keentay in aan cid kaanatarooshaaba aanu jirin cashuurta umada laga qaado meel ay ku dhacdana cidiba kama war qabto dadkuna waxay is waydinayaan meesha ay ku dhacdo lacagtan cashuurta ah ee laga qaado waxaana ka dhex jira guux badan dhinaca bulshada ku dhaqan magaaladan Borama taas oo ah maxaa la inooga badali la, yahay ninkan fadhiidka ka dhigay dawladii hoose ee magaalada borama mise kuwan xildhibaanada ah ayaanay kuba jirin wax dhaama kan wax kasii daran mooyee. Hadaba waa in lakala cadeyaa eeda cida iska leh dhinaca dawlada dhexe iyo dhinaca xildhibaanada midka ay tahayba.hadii kale waxa dhacaysa in maalmaha soo socda dadku ay ku wajihi doonan mudharaad.
Qalinkii . Ayaan Cali Warsame