Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Ra’isulwasaaraha Somaliya.
Posted by abdi on February 23 2017 20:00:36

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa Ra’isulwasaaraha dowladda Soomaliya u magacaabay Xasan Cali Kheyre.


Extended News

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa Ra’isulwasaaraha dowladda Soomaliya u magacaabay Xasan Cali Kheyre.


Mudane, Xasan ayaa waxaa uu sanado badan uu kasoo shaqeynayay bani’aadanimadda iyo dhinaca ganacsiga, waxaana uu yahay nin dhalinyara ah oo ku noolaa dalka Norway. Dhinaca kale waxaa uu mudo sanado ah uu lasoo shaqeynayay hey’adda NRC ee dalka Norway laga leeyahay.
Xasan Kheyre, waxaa mudooyinkii dambe uu ku noolaa dalka Ingiriis-ka, waxaana uu madax ka ahaa hey’adda Soma Oil and Gas.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa saaka u duulay dalka Sucuudiga, waana safarkii ugu horeeyay ee uu dibada ku aado tan iyo markii la doortay.

Hargeysa Online