Xeer ilaaliyaha Guud ee Somaliland oo guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ku weeraray Hotel..
Posted by ifraax on February 26 2017 22:35:04

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland Axmed Xasan ayaa xalay ku weeraray Hotel Fish and Steak Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka kadib.


Extended News

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland Axmed Xasan ayaa xalay ku weeraray Hotel Fish and Steak Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka kadib markii ay Maxkamaddaha Hoose ee Gobolka iyo Rafcaanku xorriyaddiisii si Damaanad ah ku siiyeen Guddoomiyaha Ururka SOLJA Agaasimaha Telefishanka Star oo Lix cisho u xidhnaa xukuumadda.


Weerar Gacan ka hadal ah ayuu Xeer ilaaliyuhu ku qaaday Guddoomiye Cali Suudi, kaasoo iska difaacay gacan qaadka Xeer ilaaliyaha, wallow ay kala jiideen Garyaqaano goobta ku sugnaa marka uu falku dhacayey.
Xeer ilaaliyaha ayaa ku weeraray Guddoomiyaha hadalo ay ka mid ahaayeen “waraaqihii aad soo qortay intaan jeex jeexnay ayaan sii daynay ninkii ee maxaad yeeli iyo hadalo kale oo uu ku weerarayey masuuliyiinta Garsoorka oo uu ku Eedaynayey inay la soo safteen Saxaafadda iyo Ururada Bulshada Rayidka ah.
Wax khasaare ah midkood-na ma soo gaadhin labada masuul, hase yeeshee Xeer ilaaliyaha oo shalay in badan isku dayey in uu is hor taago amarada Maxkamadaha ayaa ka cadhaysnaa kadib markii uu haysan kari waayey Wariye Maxamed Baashe X Xasan oo uu u soo maleegay Eedo xukunkoodu ahaa Dil ama Xabsi Daa’in, kuwaas oo uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Axmed Dalmar uu laalay kadib markii uu Askariga Danbi baadhaha ahaa ku qancin kari waayey sababtii uu usoo adeegsaday.
Sii daynta uu dagaalka intaa leeg u galay Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka ayaa ah mid damiin ahayd oo uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysi ku siiyey Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac, kadib markii uu ku qancay qoddobada kale ee ku xusnaa eeda C.I.D-da oo ahayd Horgeyntii ugu horaysay.
Xeer ilaaliyaha Gobolka iyo Taliyaha Baadhista Danbiyadda C.I.D-da ayaa sheegay inay Rafcaan ka qaateen Qaraarka Damiinka, hase yeeshee markii ay keeni waayeen wax Qoraal ah, ayuu Guddoomiyaha Ururka SOLJA codsi Cabasho ah oo la xidhiidha Amad diidada Booliiska iyo Xeer ilaalinta u qortay Maxakamadda Rafcaanka, taasoo markii danbe ka soo saartay qaraar kale oo sii dayn ah.
Xeer ilaalinta ayaa Damiinka Maxamed Baashe X Xasan kaga jawaabtay Diidmo iyo Dagaal gacan ka hadal Aan mudnayn in Xeer ilaalinta Guud ku talaabsato.
 

Hargeysa Online