Ogeysiis dhamaan umada somaliyeed & gaar ahaan umadda reer jabuuti waxaa la ogeysiinayaa..
Posted by ifraax on February 27 2017 09:22:16

Ogeysiis dhamaan umada somaliyeed & gaar ahaan umadda reer jabuuti waxaa la ogeysiinayaa iney ka soo qayb galaan shirka balaadhan.


Extended News

Ogeysiis dhamaan umada somaliyeed & gaar ahaan umadda reer jabuuti  waxaa la ogeysiinayaa  iney ka soo qayb galaan shirka balaadhan ee uu ka hadli doono LIBAN MOUSTAPHA HASSAN inankii sida waxashnimada ah ay niman idhaha uga soo tuureen.

 

Shirkaasi oo ka dhacaaya magaalada brussels ee dalka belgium 04/03 /2017 oo ah maalin sabti ah,dhamaan umadii isgarabtaagtey LIBAN waxaan ka codsaneynaa iney ka soo qayb galaan shirkaasi oo  loogu talagaley inuu mahadnaq.

 

Maalinta waa sabti 04/03/2017 saacaduna 14.00 adress kuna waa sidan:RUE DU VIEUX MARCHE AUX GRAINE 5

1000 BRUXELLES BELGIUM

 

Halkaasi waxaa ka hadli doona gudidii qaabil saneyd caafimaadka LIBAN' gudidii qaabilsaneyd dacwada,gudidii qaabilsaneyd lacagta ,dhamaan waxaa ka hadli doona haddii alle idmo intii arimihiisa u dhaqdhaqaaqeysay & intii ka qaybqaadateyba.

 

Waxaa imandoona suxuufiyiin soomaaliyeed & kuwa ajaan ah ,iyo kuwa sharciyada yaqaanaba,waxa kale la sugayaa iney yimaadaan siyaasiin belgium ah & kuwa somaliyeedba oo halkaasi ka hadli doona.

 

Sidaasi awgeed dhamaan umada afka somaliga ku hadasha  reer jabuuti & reer somaliyaba waxaa laga codsanayaa iney ka soo qayb galaan maalitaas oo loogu magacdarey maalintii LIBAN MOUSTAPHA HASSAN.

 

Allaa mahad leh

By maxamed jeex

Brussels Belgium