Musharax maxamed calow waxaa la yidhi Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga.
Posted by ifraax on February 27 2017 09:30:53

Musharax  maxamed  calow waxaa la yidhi Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga. hebednimadaadu waxay lamid tahay walee reer aan ogahay maguuro.


Extended News

Musharax  maxamed  calow waxaa la yidhi Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga. hebednimadaadu waxay lamid tahay walee reer aan ogahay maguuro haduu guurana meel ma gaadho! Talada aad u daba fadhiisatay faadumo siciid waa habidnimadaada   .by maxamed jeex


Maalinba waxa  kuu   iman  camal  aad  yaabto' cibaarada  illaahey  kabadan  cawska  geedaha , horta   reer  aan  ogahey  oo maxamad dulka raran  meel magaadhaayo ' durmba waxaan aragnaa oo noo muuqata in marwo faadumo siciid uu daba fadhiisanayo ma ninkaasi  sidaas ah ayey berri talo ka gu,i ?
Waxaa ceeb & amakaaga ku noqotey bulshada degan gobolada galbeedka markey arkeen maxamed dulkararan oo kursigii uu mudnaa durba ay fadhiisatey faadumo siciid isna aad moodo jiir bisad arkey oo isnabaaya meel u dhaw marwo faadumo siciid iney waa dumare la yaab maaha hadey ku jiidh-jiidhaan laakiin hebednimada  qaarkeed  adey  kuu   hed  noqotaa. 
musharax  maxamed  cali waxaan odhan lahaa   qofka  aad  tahey  oo  kaliya  musharax  kuma  tihid  ee  waxa  aad  ku  tahey  dad  iyo  dal  ba  reer  somaliland  dhamaantood  oo  aad   rabto  in   aad  matasho  sida  damacaagu  yahey; baratakoolka, anshaxa  iyo  milgaha  kala  sareyntu  sunaha  uu  leeyahey  ma’aad  fahmin  adiga  oo  musharax  dhan  ah   oo  ay  aheyd  in  aad  gudoomiso  shirkii  shaley  aad  difaacayseen  aragtidiina  ku  aadaneyd  saldhiga  bebera,  ayey  faadumo  siciid  oo  mansab  la  taliye  ah    ay   gudoomineysay  adiguna  aad  aayar   dan  la’aan  iyo  khabaru  maafish  iska  ag  fadhiday!!  goormay  faadumo  siciid  kuu  noqotay  gudoomiye  CIRRIHII aad  ku  xigeenka  u  aheyd? marwo   faadumo  kursi  madaxeed  bay   ku  fadhiday  tilmaan  u  ah   cida  xaqa  u  leh  gudoonka  kulankii  la  isugu  yimi;  adiguna   sidii   maxbuus   laqabtay  ama  hada  jeelka   laga  soodaayey  amaba laga leeyahay JSL oo  WALIBA dulmane  ah   ayaad  aayar   dan  la’aan  faadumo   agteeda   fadhiday.
Ma  sidaasi  baad   reer  awdal  ku  rabtaa  in  aad  madax  ugu  noqoto  oo  aad  ku   matasho?mise waad dhaami dontaa?Ma  hebidnimadaasi   aad  ku  garan  la’adahey  maqaamkaaga  ayaad  ku  rabtaa  in  aad   umad  dhan  masiirkooda  ku  matasho??oo aad tidhaahdo reer awdalow idoorta! Ma  ninkaa   aan   maanta  arkaayo  ayaa  berri dad  aayo  ka  sugaayaan oo  ay isleeyihiin nin  rag  ah   ayaa  idiin  soo  socda   Oo wax inii goyn  kara?
 mudane   axmed  muumin  seed  haddii uu shirkaasi   fadhiyi lahaa sidaasi mey sameyseen marwo faadumo  siciid mana gudoominseen shirkaasi laakiin waa nasiib daro durba adaa lagu ogaadey waxaad tahay,waxoogaagii reer awdal ahaa ee ku tageeraayeyna maanta ayey kaaquusteen maxamed calow cirka adaa caano ku og.somalidu waxay tidhaahdaa: nin  habradey   haldoorkiisa  waa  lagu  hamoodaa waxaanan ula yaabayn in nuucaa hebedka ah ee faadumo siciid sawirada ku soo galeyso musharaxa dulkararanka ah ee maxamed cali adeerkii (CUMAR AGOON) waa ninkii bixiyey 12 kursi ee beelaha GADABUURSI xaqa ku heleen waa nnkii ku ceshay 9 sagaal kursi  (XASAN GULEED)ee yidhi intaas cidaad doonto sii xasanow,nin adeerkii kaayahay miyaad wax ka sugeysaan maanta gadabuursow?
Sida aad ogtihiin dadku wey hida socdaan maxamed calina uu hida socdaa adeerkii CUMAR AGOON wuxuu ahaa shaqsigii XASAN GULEED uu u dhiibay 12  kursi  ee  markii  dawladnimada  jabuuti  laqaybsanaayey  madaxweyne  xasan  guuleed  u  dhiibay  uu  ugu   jawaabey  maxamed  cali   adeerkii  intan  oo  dhan  anagu  uma  baahnin   saddex  dhadhaar  ayaan  nahey  kaliya  oo  saddex  xil  uun  baanu  ka  qaadaneynaaye   inta  kale   adaan  kugu  soo  celiyey  ee  cidaad   doonto   sii   madaxweyne  guuleedow!! Waxaad xaley & shaleto tv yada aad ka daawteena waa xaal isku mid ah ama isku hida raac ah ,waana camalkii adeerkii & wax ka sii liita ee hala iska ilaasho ninkaasi tolow. Gabogabo:- Reer  awdal  waxa  aan  uga digayaa  ineyna ku  hodmin oo   ayna ku lugu,in ninka hankiisu yaryahay ee murashaxa ku xigeenka u ah CIRRO.MAXAMED CALI maqaamkiisa  garan  kari  la’   ee  ay faadumo  siciid   kursigisii madashiisa  ahaa xaqana   uu u lahaa  ee ay  iskaga  dul  fadhiisatey isaguna   sidii  la  haystaha  ama cunug  yar   iska   ag  fadhiistey;  muuqaalkaasi  waxa  uu  fariin  ka  sidaa  taab  gaabnidiisa,  karti  dari  diisa  iyo  iska   dhaaf  in  uu  dadkiisa  wax  u  jaree    naftiisa  ayaan  wax  u  tari  kareyn  somalidu waxay tidhaahdaa Doqon nebi Muusaa habaaray. Umada kunool gobolada AWDAL,SALAL & GALBEEDKA GABILEY waxaan leeyahay dhado  roob   noqon weydayey  Reer ,   musharax  maxamed  cali ee hankiisu hooseeyo aragtidiisu dambeyso eexdiisu badantahay hadhkaa   ka  rogmadey ;  mudane  axmed  muumin  seed  muu  muujiyeen   habaca  iyo  dulinimda  uu  muujinaayo  ninkaasi MAXAMED CALI. Nusqaan  & doqonniimo ayey ku tahay dadka goboladaas degan adigoo   magacooda  wax  ku  raba  in  aad  ducufnimo  iyo  liidnimo aad  muujiso   habdhaqankaasi waa ceeb inteeda leeg hadalkeyga waxaan ku soo koobayaa maahmaahdii ahayd Doqontu afka xanbay ku sidaa ishana xil. 
Allaa mahad leh By maxamed jeexBrussels belgium