Gudoomiyaha jaaliyada somaliland ee dalka Holland oo ka hadley abaaraha ba,an ee ka jira JSL.
Posted by ifraax on February 27 2017 09:38:44

waxaanu aad uga xunahay ama aan uga walwal sanahay abaartan baahsan ee waliba ku dheeraatey umadeena reer somaliland.


Extended News

ANIGOO AH GUDOÔMIYAHA JAALIYADA SOMALIALND DALKA HOLLAND AHMED AW ABDI XUDHUUN ,kuna hadlaaya magaceyga gaarka ah & ka jaaliyada reer somaliland ee dalka holland, waxaanu aad uga xunahay ama aan uga walwal sanahay abaartan baahsan ee waliba ku dheeraatey umadeena reer somaliland.

 

Abaartaasoo ah mid dadkii & duunyadiiba khatar ku haysa muddo badana ku soo noqnoqoneysay dhamaan wadankeena somaliland taasoo laba sano ka hor ka bilaabantey galbeedka somaliland ,hadana guud ahaan saameysay dalka somaliland oo dhan.

 

Marka hore waxaan ilaahay ka baryeynaa inuu umadeena eebe ka dulqaado abaartaa baahsan ee ku habsatey shacabkeenii wanaagsana ,waxaanan kula talinayaa marka hore dhamaan shacabka reer somaliland iney is cafiyaan calooshana isku furaan ilaahayna baryaan markaas waxaa lagayabaa inuu ilaahay nicmadiisa siiyo oo uu ka dulqaado dhibaatada haysata shacabka ducadana eebe ka aqbalo.

 

Anagu ka jaaliyad ahaan dadaal badan ayaan galey walina waanu kujirnaa kana daali meyno waaan wadeyna intii awoodayada ah,waxaanan ilaahay ka baryeynaa inuu arintaa aan kujirno ee ah inaan dadkayaga caawino ilaahay noo fududeeyo aamiin.iyagana waxaan ilaahay uga baryeynaa inuu roob deg deg ah oo ay ku raystaa uu siiyo aamiin.

 

Wabilaahi tawfiiq

By gudoomiayha jaaliyada somaliland ee dalka hollan aqoonyahan Ahmed aw abdi xudhuun

Office the hague

 HOLLAND.