Soomaali laga soo tarxiilay Mareykanka oo Muqdisho laga dejiyay.
Posted by ifraax on March 10 2017 22:11:20

Dadkaaasi ayaa muddo ku xirnaa dalka Mareykanka, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Soomaaliyaa Sonna oo soo xigatay wasiirka amingaa.


Extended News

Dadkaaasi ayaa muddo ku xirnaa dalka Mareykanka, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Soomaaliyaa Sonna oo soo xigatay wasiirka amingaa gudaha ee Soomaaliya Cabdirasaaq Cumar Maxamed.


Dadkaasi waxay dalbadeen in dib loogu celiyo Soomaaliya, sida Sonna ay ku qortay boggeeda internetka.

Dhawaan ayay ahayd markii dad badan oo Soomaali ah laga soo tarxiilay Mareykanka, dibna loogu celiyay Muqdisho.

Dadkaasi ayaa Muqdisho gaaray 25 January, oo ahayd afar maalmood ka dib markii Trump uu xilka la wareegay.

Dadka Soomaalida ee Mareykanka ku xiray aayaa waxaa ka mid ah kuwa dembiyo geystay iyo kuwa sharciga dalkaasi waayay, sida uu safiirka Soomaaliya ee Mareykanka u sheegay BBC-da bishii January.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in dadka la soo celinayo aysan xiriir la lahayn doorashada Trump, Horeyna loo qorsheeyay in ay dalkooda dib ugu nqodaan.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Isniintii saxiixay amar cusub oo uu Mareykanka uga mamnuucay dadka ka safraya lix dal oo Muslimiin ah.

Dalalkaasi waxay kala yihiin, Soomaaliya, Suudaan, Liibiya, Iiraaan, Yaman iyo Suuriya.

 

Hargeysa Online