Madaxweyne Siilaanyo Oo Dalka Ku Soo laabtay iyo Ujeedada Safarkiisa.
Posted by ifraax on March 10 2017 22:19:22

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey ka dib safar shaqasi ah oo uu mudooyinkii danbe.


Extended News

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtey ka dib safar shaqasi ah oo uu mudooyinkii danbe ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Madaxweynaha ayaa markii uu dalka dib ugu soo laabtey aan la hadal saxaafada iyada oo dalka ay ka jiraan daruufo kala duwan oo ah mudo kordhin xukuumadiisa loo sameeyey iyo maran xoogan oo ka dhashey saldhiga Military ee dawlada imaaradka laga siiyey magaalada Berbera taas oo ay bulshadu filaneysay in uu madaxweynuhu arimahaas ka hadlo Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Xussen Dayr oo warbaahinta kula hadley gudaha madaxtooyada waxaa uu faahfaahin ka bixiyey safarkii madaxweynaha waxaana ay saxaafadu halkaasi ku weydiiyey afhayeenka sababta uu madaxweyne Siilanyo bulshadiisa ugala hadali waayo arimaha taagan ee wakhtigan ka jira dalka uu madaxweynaha ka yahay.

 

Hargeysa Online