Ku dhawaad 80 qof oo Abaar iyo cudurka shuban biyoodka ugu geeriyootay Jubaland.
Posted by ifraax on March 11 2017 22:52:27

Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane C/raxmaan Max'ed Xuseen ayaa sheegay in ay kasii dareeyso xaaladda abaaraha.


Extended News

Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane C/raxmaan Max'ed Xuseen ayaa sheegay in ay kasii dareeyso xaaladda abaaraha ka jira gobollada Jubooyinka, isagoo sheegay in dhimashadu inta ay ogyihiin ilaa hadda ay gaareeyso ilaa 50 qof.

 

Waxa uu sheegay in dadka ree miyiga ah ee ay saameeyeen abaaraha ay u baahanyihiin in la gaarsiiyo gurmad deg deg ah.

"Ilaa hadda 50 qof ayaa ku dhimatay abaarta, ku dhawaad 30 kalena waxay u dhinteen cudurka shuban biyoodka," ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay.

Wasiirka ayaa sheegay in hadii aan dadkani lala gaarin gurmad deg deg ah, ay xaaladdu sii adkaan karto, dhimashaduna intaa ka badan karto.

Waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka iyo dibadda in ay u gurmadaan walaalahooda, islamarkaana qof walba oo Soomaali ah uu u istaago sidii uu gurmad ugu fidin lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Hadalka kasoo yeeray wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Jubaland ayaa kusoo beegmaya ayadoo ay kasii dareeyso xaaladda abaaraha ku dhuftay dalka oo ay dowladdu ku tilmaamtay in ay tahay masiibo qaran.

Hargeysa Online