Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Amar Ka Soo Saartey Dacwad Uu Xisbiga UCID Dhawaan U Gudbiye.
Posted by abdi on April 02 2017 23:08:59

Maxkamada sare ee Somaliland ayaa waxaa ay amar ka soo saartey dacwad uu dhawaan xisbiga UCID u gudbiyey oo ku saabsaneed xildhibaano ka soo baxay UCID.


Extended News

Maxkamada sare ee Somaliland ayaa waxaa ay amar ka soo saartey dacwad uu dhawaan xisbiga UCID u gudbiyey oo ku saabsaneed xildhibaano ka soo baxay UCID oo dhawaan ku biiray xisbiga Kulmiye .


Maxkamada sare ayaa waxaa ay qareenadii u doodaayey xisbiga UCID ku war galisay ama ay amartey in kiiska dacwadan ka garnaqidiisa ay xaq u leeyihiin gudida diwaangalinta iyo kala saarida ururada siyaasiga ah isla markaana ay halkaasi u gudbiyaan.
Qareenadii u doodaayey xisbiga UCID ayaa waxaa ay isla saaka ba u gudbiyeen dacwadoodii gudida diwaangalinta ururada siyaasiga ah oo ay maxkamadu amartey in loo gudbiyo.
Gudida kala saarida ururada siyaasiga ah oo warbaahinta la hadley waxaa ay sheegen in markii hore ba xisbiga UCID dacwad la ambadey isla markaana ay iyagu xaq u leeyihiin in ay ka garnaqaan.

Hargeysa Online