Qarax ka dhacay Wasaaraddaha Dhalinyarada iyo Amniga ee Magalada Mogdisho.
Posted by abdi on April 05 2017 22:33:26

Qarax gaari ayaa ka dhacay banaanka hore ee maqaayad lagu iibiyo Coffee oo ka soo horjeeda Wasaaradda Dhalinyaradda.


Extended News

Qarax gaari ayaa ka dhacay banaanka hore ee maqaayad lagu iibiyo Coffee oo ka soo horjeeda Wasaaradda Dhalinyaradda iyo cayaaraha ee ku taalla magaaladda Muqdisho.

 


Sidoo kale halka qaraxa uu ka dhacay, waxaa ay 100 meters u jirtaa xaruunta wasaaradda amniga gudaha.
Ugu yaraan shan ruux ayaa ilaa iyo hadda la ogyahay in ay ku geeryoodeen, halka 8 kalana ay ku dhaawacmeeyn.
Sarkaal ciidamadda amniga ka tirsan ayaa sheegay in qaraxa uu ruxay xaafadaha ku teedsan Wasaaraddaha iyo xaruumo ganacsi.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyada Qaraxa, balse weerarada noocaan oo kale ah ayaa waxaa inta badan geeysta Al Shabaab.

 

Hargeysa Online