Maamul Qoboleydka Puntland oo shan dhalinyaro ah ku fulisay dil toogasho ah
Posted by abdi on April 08 2017 22:05:04

Maxkamada ciidamada Puntland ayaa maanta dil toogasho ah fulisay ilaa shan dhalinyarro ah oo ku eedeysnaa in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.


Extended News

Maxkamada ciidamada Puntland ayaa maanta dil toogasho ah fulisay ilaa shan dhalinyarro ah oo ku eedeysnaa in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, islamarkaana dilal qorsheysan ka geysteen qeybo ka mid ah deegaannada Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso.


subaxnimadii hore ee maanta dil toogasho ah lagu fuliyay dhalinyarradan oo qeyb ka ah tiro dhalinyaro oo horay dil loogu xukumay, kuwaa oo wali qaarkood ku jira xabsiyada
Dhalinyarradan ayaa lagu toogtay fagaare ku yaala magaalada Boosaaso sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamada ciidamada Puntland Col Cabdifitaax Xaaji Aadan.
Xabsiyada deegaannada Puntland ayaa waxaa ku jira dhalinyaro intooda badan ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab kuwaa oo qaarkood lagu xukumay dil toogasho ah, halka kuwa kalana lagu riday sannado dhowr ah oo xabsi ah.
Ugu dabeyntii, Puntland ayaa dagaal kula jirta ururada Al-shabaab iyo kooxo sheegatay in ay gacan ka tirsan tahay Daacish kuwaa oo ka dagaalama qeybo ka mid ah deegaannada Puntland gaar ahaan dhulka buuraleyda ah ee Galgala iyo deegaannada ku teedsan dhul xeebeedka.


Hargeysa Online