Yuusuf Garaad oo cambaareeyay weerar ka dhacay Stockholm Sweden.
Posted by abdi on April 08 2017 22:13:45

Wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, ayaa cambaareeyay weerarkii gaariga loo adeegsaday ee shalay ka dhacay magaalladda Stockholm.


Extended News

Wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, ayaa cambaareeyay weerarkii gaariga loo adeegsaday ee shalay ka dhacay magaalladda Stockholm ee dalka Sweden.


Afar qof ayaa dhimatay 15 kalena way dhaawacmeen, ka dib markii gaari xamuul ah oo la soo xaday la jiirsiiyay dad wado marayay, sida police-ka ay sheegeen.
Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, ayaa sheegay in weerarkii gaariga xamuulka ah loo adeegsaday ay tahay axmaqnimo iyo rabshado ka dhan ah dad aan waxba galabsan.
Sidoo kale, waxaa uu bartiisa Twitter-ka, uu ku muujiyay sida uu uga xunyahay weerarka.
Dr, Maryan Qaasim Axmed oo ah wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta masiibooyinka, ayaa ka mid ah masuuliyiintii ka tacsiyadeeyay weerarka.
Dhinaca kale safiirka dowladda Sweden u jooga Soomaaliya, Ambassador Mikael Lindvall, ayaa sheegay in fariimo badan oo tacsi ah ay kasoo gaartay Soomaali badan, waxaana uu sheegay in uu uga mahadcelinaayo Soomaalidda, sida ay uga xunyihiin weerarka argagixiso ee ka dhacay Sweden.
Weerarkii ka dhacay magaalladda Stockholm, ayaa la sheegay in uu fuliyay nin aan magiciisa wali la shaacin, balse hadda gacanta ugu jira ciidamadda Police-ka.
Ninka weerarka geystay ayaa la sheegay in gaariga uu ku dhuftay dhismo ku yaalla bartamaha magaalada Stockholm, halkaas oo ay joogeeyn dad badan.

Hargeysa Online