Wasiir Cukuse oo shir Caafimaadka ah kaga qayb galay uganda.
Posted by abdi on April 08 2017 22:34:13

Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland C/laahi Maxamed Daahir Cukuse iyo saraakiil wasaaraddiisa ah ayaa dalka UGANDA.


Extended News

Wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland C/laahi Maxamed Daahir Cukuse iyo saraakiil wasaaraddiisa ah ayaa dalka UGANDA kaga qayb galay shir lagagaga hadlayey caafimaadka Xoolaha Somalida.

 

 

kaasoo ay ka soo qayb galeen Dhakhaatiir ka kala socotay Dawladdo iyo Hay’addaha ku shaqada leh Xoolaha
Dhinaca kale, wefti ka socda wasaaradda Xanaanada xoolaha iyo Beeraha ee dalka Sucuudi Arabia ayaa shalay booqasho ku yimi Somaliland, taasoo ay ku ogaanayaan Caafimaadinta Xoolaha iyo shuruudaha wadamadda loo diro xoolaha Somaliland.
Weftigan oo ka kooban sadex Dhakhtar oo kuwa Xoolaha ah ayaa kulamo la yeeshay masuuliyiinta wasaaradda xanaanada Xoolaha, iyagoo warbixino la isku dhaafsaday xarunta wasaaradda xanaanada Xoolaha, halkaas oo lagaga wadahadlay wax ka qabashada caqabadaha soo noq noqda ee keena in Xoolaha Somaliland la joojiyo.
Kulankaasi kadib, waxay isla shalay Dhakhaatiirta Sucuudiyaanka ahi u ambabaxeen magaalooyinka Berbera iyo Burco oo ay ku kala yaalaan afar Maxjar oo laga kantaroolo caafimaadka Xoolaha, kuwaas oo ay u kuur galayeen qaabka ay u shaqeeyaan. Weftiga Dhakhaatiirta ah ayaa la filayaa inay warbixino ka soo saaraan socdaalkoodan, kuwaasoo la rajaynayo inay furdaamin doonaan xayiraad ka qaadista Xoolaha Somaliland, oo in muddo ah dawladda Sucuudigu ka joojisay suuqyadeeda.
Caafimaadinta Xoolaha iyo shuruudaha u yaala wadamadda loo dhoofiyo ayey hore hawl-wadeenada Caafimaadka Somaliland tababaro uga heleen Urur goboleedka IGAD iyo midawga Afrika, kuwaas oo ka caawiya wasaaradda xanaanada Xoolaha sidii ay ugu baraarugsanaan lahaayeen.
Labadan mashruuc ayaa la hakiyey wakhtigii la dooranayey Madaxweynaha Somaliya ee Farmaajo, kadib markii  uu madaxweynihii hore ee Somaliya ku wargaliyey inaanay ka qayb gali Karin.



Hargeysa Online