Umada reer jabuuti ee degan dalka BELGIUM oo markale oo iskugu soo baxay maxakamada magaalada BRUSSELS horteeda.
Posted by abdi on March 19 2017 06:00:00

Umada reer jabuuti ee degan dalka BELGIUM oo markale oo iskugu soo baxay maxakamada magaalada BRUSSELS horteeda dalbanaayana.


Extended News

Umada reer jabuuti ee degan dalka BELGIUM oo markale oo iskugu soo baxay maxakamada magaalada BRUSSELS horteeda dalbanaayana in cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyey dhibtii loo geystey LIBAN.

 

 UMADAA balaadhan ee isku soo baxada waxay muujinayeen iney ka xunyihiin jidh dilkii waxashnimada ahaa ee loo geystey LIBAN MOUSTAPHA HASSAN ee ku saleysnaa shirqoolka ay soo agaasimeen dad wax magaratayaal ah oo kamid ah  XISBIGA MUCAARADKA JABUUTI EE MARKA MAGACIISA LA SOO GAABIYO LAYIDHAAHDO M.R.D

 

Dadkii faraha badnaa ee halkaasi ku mudaharaadaayey waxay ku dhawaaqayeen cadaalada hala horkeeno cidii LIBAN YARE dhibtan waxashnimada ah u geysatey ee wali banaaka wareegeysa taasoo ahayd arin dhamaan dadka reer jabuuti  & reer somaliyaba ay ka mideysnayeen oo ay ka cod sanayeen maxakamada dalka BELGIUM  iney arinta dadajiso dadka LIBAN SHEEGEYNA sida ugu deg deg siiyaha badan loo soo qaqabto cadaaladana loo horkeeno sidaas ayey ku dhawaaqayeen dhamaan dadkaasi.

 

Dadkaasi waxay lahaayeen somalidu waxay ku maahmaahdaa: Dhuumashada dhabarku muuqdo dhuumasho ma aha: ee XSIBIGAN MRD anagu hadaan nahay dadkii reer jabuuti ee mucaaradka ahaa & kuwa aan ahaynba waan  is ognahay ee runta sheega oo maxakamada u fududeeya  dacwadan cida ka dambeysay ineyn waan ognahay inaadtihiin iniga dhaxdiina waanan ognahay înaad ogtihiin ragii LIBAN MOUSTAPHA HASSAN sida arxandarada ah uga soo tuurey indhihiisa.

 

Somalidu waxay ku maahmaahdaa: Doqoni dib bay wax ka garataa: MRD waxaan leenahay waar maanta waad ogtihiin in arintii ay & shirqoolkii aad LIBAN  u sameyseen uu inila xumaaday oo aad leedihiin maxaad waxaa u sameyseen laakiin wali jaanis baad haysataan ee sida ay wax u dhaceen u sheega dawlada.

 

Mudaharaadkaasi ka dhacay maxakamada hoteeda waxaa lagu dalbanaayey cadaalada in la keeno ragii arxandaradan u geystey LIBAN oo maanta indhihiisii ku waàyey,dhawaaqaasina  wuxuu ahaa hala soo qaqabto dhamaan wixii ku lug lahaa jidh dilkii arxandarada ahaa ee ay geysteen taageerayaasha XISBIGA MRD.

 

BRUSSELS DALKA BELGIUM.