Xusbiga Kulmiye ee France.
Posted by abdi on April 14 2017 07:27:35

Anigo ku hadlay magagcayga iyo kan Xusbiga Kulmiye ee dal waynaha Fransiiska, waxaan halkan ka bayaminaya in Mudane sheegtay in u aha..


Extended News

Taariiq : 12/04/2017

Suumad : k/Fr/0012

 

Beeniini war ku soo baxay website yada badh kood

Anigo ku hadlay magagcayga iyo kan Xusbiga Kulmiye ee dal waynaha Fransiiska, waxaan halkan ka bayaminaya in Mudane sheegtay in u aha Guddomoyaha Kulmiye ee France ayna haba yaratee waxba ka jirin.


Xusbiga Kulmiye ee France waxaa la aasasay 2003, waxaana uu kala dambeeyay sadex maamul oo miid waliba kalin fican ka soo qaatay dhismaha xusbiga.

Sido kale u hooganka xusbigu ka diiwaangashan yahay xarunta dhexee xusbiga ee Somaliland oo u ka dhexeeyo xiidhidh wadashaqayneed oo her sare ah.

Waxaan ka raali galinaynaa dad weynaha reer Kulmiye gar ahan inta ku nool France ee taageerayasha xusbiga ah, beenabur kan laga sameeyay xusbiga Kulmiye France.

 

Guddoomiyaha xusbiga kulmiye France

Mudane Muuse Cabdillahi Xadi

ALLAH MAHAD LEH