Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay degmada Dhuusa-mareeb.
Posted by abdi on April 14 2017 21:42:50

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah gobolka Galguduud ayaa sheegaya in halkaa ay isaga guureen ciidamadii Itoobiya.


Extended News

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah gobolka Galguduud ayaa sheegaya in halkaa ay isaga guureen ciidamadii Itoobiya ee sanadihii ugu danbeeyayba halkaa ku sugnaa.


Wariye ku sugan gobolka Galguduud ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya isaga baxeen saldhigii ugu weyn oo ay ka degenaayeen degmada Dhuusa-mareeb, iyaga oo u dhaqaaqay dhinaca xadka Itoobiya.

Laakiin dhinaca kale inkastoo guud ahaanba ciidamada agabkooda ka gurteen saldhigoodii degmada Dhuusa-mareeb, hadana wariyaha ayaa sheegay in ay jiraan wali ciidamo tiro yar oo ku sii sugan degmada, kuwaa oo laftirkooda isku diyaarinaya in ay halkaa isaga baxaan.

Lama oga sababta ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee degmada Dhuusa-mareeb oo xarun u ah maamulka gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljameeca, waxaana xusid mudan in dhawaan ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM dhawaan isaga guureen degmada Ceelbuur.

Hargeysa Online