Al Shabaab oo sheegay in 35 Madfac ay ku garaaceen Garoonka Bali-doogle.
Posted by ifraax on April 23 2017 22:35:27

Dagaalamayaasha Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay sheegay in ay Madaafiic ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha Bali-doogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.


Extended News

Dagaalamayaasha Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay sheegay in ay Madaafiic ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha Bali-doogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Kooxda Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in 35 Madfac ay ku tureen Garoonka.

 



“Waxaa jiray madaafiic balse lama garan karo halkii ay ku dheceen”, sidaasi waxaa yiri goob-jooge diiday in magiciisa la shaaciyo.

Garoonka Diyaaradaha Bali-doogle ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa waxaa saldhigyo Militeri ku leh Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, oo ay wehliyaan ciidamo kale.

Ma jiraan war kasoo baxay saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya, oo ku aadan sheegashada Al Shabaab.

Garoonka Bali-doogle ayaa waxaa lagu tabbabaraa ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Kumaandooska.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ku qaada fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

19-bii Bishan April, Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday duleedka degmada Afgooye, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Buulo-Fooliyo ee duleedka Afgooye, waxaana uu ku biloowday madaafiic lagu garaacay Xarumaha ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Afgooye Maxamed Amiin, ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen Al Shabaab uu isku bedelay dagaal toos ah.

Hargeysa Online