Farmaajo iyo Shariif Sakiin oo maanta Baydhabo ku kulmey.
Posted by ifraax on April 23 2017 22:58:10

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo.


Extended News

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baydhabo oo safarkiisii ugu horeeyay uu ku tagay tan iyo markii la doortay xilka madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku wehlinayay wasiirka difaaca Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed, wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Drs Maryan Qaasim Axmed, wasiirka caafimaadka Drs Fawziya Abiikar Nuur, wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Xaaji Cali Sheekh Maxamed Nuur, wasiir ku-xigeenka caafimaadka Xuseen Cismaan Xuseen iyo wasiiru dowlaha ganacsiga Cabdicasiis Xassan Maxamed, xildhibaanno ka tirsan gollaha shacabka iyo aqalka sare.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo ay soo dhaweeyeen madaxda dowlad gobolleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya, qeybaha bulshada iyo ciidamada qalabka sida ayaa shacabka u sheegay in dowladda ay dadaal u gashay u gurmashada dadka ay abaarta saameysay, ayna sii wadayaan in loo gurmado dadka ku xoolo beelay abaarta.

2017423636285378776203682be2i0801.jpg

2017423636285378898385694be2i0802.jpg

2017423636285379238327185be2i0819.jpg

2017423636285379772344487be2i0861.jpg

2017423636285380118093687be2i0912.jpg

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya waxaa uu ugu baaqay shacabka ku nool deegaannada Koonfur galbeed in ay la shaqeeyaan ciidamada si looga dulqaado kooxaha dhibaateynaya shacabka, isagoo intaa ku daray in amniga uu ka midyahay tiirarka ay dowladdu qorsheyneyso inay wax badan ka qabato.

“Aan iska kaashano sidii wax looga qaban lahaa amniga, dowladda waxaa ka go’an in ay xoogga saarto arrimaha amniga, si gar gaar loo gaarsiiyo meelaha ay ka jirto abaaraha, waxaana aan diyaar u nahay in aan wax ka qabano abaaraha ka jirta dalka” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa intaa ay ku sugan yihiin magaalada Baydhabo waxaa ay u kuurgeli doonaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta magaalada, gaar ahaan dhinaca bani’aadanimada iyo amniga.

 

Hargeysa Online