Wakiilada beesha caalamka oo warbixin laga siiyay qorshaha amniga Mogdishu ee daciifka ah.
Posted by abdi on April 27 2017 20:49:13

La taliyaha amniga Mogdishu ee daciifka ahka DF Soomaaliya Xusseen Macalin ayaa kulan uu la qaatay wakiilada beesha caalamka faah faahin dheeraad ah.


Extended News

La taliyaha amniga Mogdishu ee daciifka ahka DF Soomaaliya Xusseen Macalin ayaa kulan uu la qaatay wakiilada beesha caalamka faah faahin dheeraad ah ka siiyay qorshaha amniga Mogdishu ee daciifka ah ee lagu wajahayo dhismaha ciidamada.


Kulan oo ka dhacay xarunta Xalane ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgallay wasiirka wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/rashiid Cabdullaahi, iyaga oo la wadaagay safiirada beesha caalamka u jooga Soomaaliya qorshaha amniga ee qeybta ka ahaa qodobadii ka soo baxay shirkii Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada.

Waxaa kulanka ka qeyb-gallay wakiilka Qaramada Midoobey, Safiirka Mareykanka, Safiirka Imaaraadka Carabta, Wakiilka Midowga Afrika iyo Safiiro kale.

Qorshahan ayaa markii hore waxaa laga muujiyay shaki weyn qaabka loo diyaariyay, gaar ahaan dhismaha ciidanka xoogga dalka, oo loo yeelay muuqaal ciidan dawlad goboleedyada ay awood weyn ku leeyihiin dhismihiisa, amarkiisa iyo taladiisaba, iyadoo arrintan ka mid aheyd awoodaha dowladda Dhexe.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyay qorshahan Amniga, iyadoo lagu wado qorshahan amniga Mogdishu ee daciifka ahka ee dhismaha Ciidamada la horgeeyo Shirka London ka dhacaya bisha soo socota.

Qorshaha amniga Mogdishu ee daciifka ah ayaa waxaa lagu xusay in Ciidanka Mogdishu tiradiisu ay noqoneyso ugu yaraan 18,000 oo ayan ku jirin ciidanka cirka, kuwa badda iyo ciidamada gaarka ah ee gaashaaman.


Hargeysa Online