Xisbiga WADANI oo eeddo u soo jeediyey ciidamada Booliska.
Posted by abdi on April 30 2017 20:50:28

Siyaasi C/risaaq Khaliif oo ka tirsan masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa xukuumadda iyo ciidanka booliska ku eedeeyey inay xidheen masuuliyiin.


Extended News

Siyaasi C/risaaq Khaliif oo ka tirsan masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa xukuumadda iyo ciidanka booliska ku eedeeyey inay xidheen masuuliyiin ka tirsan xisbigoodda.


Khaliif ayaa sheegay in wakhti ay ku jiraan hoolka maxkamadda oo dacwaddi uga socotay laba masuul oo ka tirsan xisbiga WADANI uu sarkaal ka tirsan ciidanka boolisku u hanjabay masuul ka tirsan xisbiga, isla markaaana markii dibadda loo soo baxay ay xabsiga u taxeen.

“Waxaa maxkamadda la keena y laba sarkaal oo ka tirsan xisbiga WADANI, waxa ka qaybgalnay anagoo ah masuuliyiin ka tirsan xisbiga dacwadda laba sarkaal oo ka tirsan xisbiga uga socotay maxkamadda, arrintaasi oo ahayd inuu xisbigu muujiyo dareenkiisa iyo cadaalad darada jirta, iyadoo nidaamku socdo ayey niman boolis ahi maxkamadii soo weerareen, masuuliyiinta xisbiga oo hoolkii fadhiya uu taliyihii saldhiga ee Hargeysa  weerar ku soo qaadeen oo masuul hoolka fadhiyey u hanjabay,  markii dibadda loo soo baxayna waxay xidheen Cabdilaahi Axmed Maxamed Daamur oo ku biiray kuwii hore u xidhnaa, masuuliyiin qaarna la xidhay qaar kalena jidh dil loo gaystay”ayuu yidhi C/risaaq Khaliif oo ka hadlayey isku dhac ku yimid masuuliyiin ka tirsan xisbiga iyo ciidanka Booliska.

“Arrintaasi waxay muujinaysa sida xukuumadda jirta ugu fashilantay inay ilaaliso amnigii dalka, inay ilaaliso xuquuqdii asxaabta ilaaliso, inamada xidhan waxay u xiran yihiin aragtidoodii oo ay dhiibteen oo kaliya”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Dhinaca kale, Afhayeenka ciidanka Booliska Somaliland Faysal Xiis ayaa isna xisbiga WADANI ku eedeeyey in masuulka la xidhay u hanjabay taliyaha saldhiga dhexe ee Hargeysa.

“hoolka dacwadda ka socotay waxa buuq iyo sawaxan ka bilaabay nimankii WADANI ka socday, iyagoo u adkaysan kari waayey eeddii xeer ilaalinta gobolku ku eedeeyey labadda maxbuus ee xidhan”ayuu yidhi Faysal Xiis oo iska fogaynayey eedda loo soo jeediyey.

Mar uu ka hadlayey masuul xisbiga ka tirsan oo xabsiga loo taxaabay waxauu yidhi “ ninka la yidhaahdo C/laahi Daamur wuxuu si ula kac ah u weeraray taliyaha saldhiga dhexe ee Hargeysa Maxamed Case, waxaanu ugu hanjabay xabad ayaan madaxa kaaga dhufanayaa, isagoo sarkaalkaasi shaqadiisii ku gudda jiro, markii maxkamaddii dhamaatay waxa ciidanku boolisku ka soo qabteen dibadda, niman abaabulan oo xisbiga ka tirsan waxay soo weerareen ciidanka booliska oo dhagaxaan iyo ulo la dhaceen, waxayna dhaawac u gaysteen qaar ka mid ah ciidanka booliska, marka ninkaasi Fal dambiyeed buu gallay waxaana si degdeg ah loo horgayn doona xafiiska xeer ilaalinta,boolisku cid ay u habranayaan ma jirto, dambi cidii gasha waa la qabanayaa, waxay doonayeen inay khalkhal ku ridaan hab u socodkii nidaamka maxkamadda”.

Si kastaba ha ahaatee, waxa muddo labaataneeyo xidhan laba sarkaal oo ka tirsan garabka dhalinyaradda ee xisbiga WADANI, kuwaas oo lagu eedeeyey inay wadeen kicin dadweyne, taas oo maxkamaddoodu ka socotay magaaladda Hargeysa.

Waxaana hadda labadan sarkaal ku soo biiray oo hadda isna xidhan sarkaal kale oo magaciisa la yidhaahdo Cabdilaahi Axmed Daamur oo isna lagu haysto inuu u hanjabay sarkaal ciidanka booliska ka tirsan, wallow xisbiga WADANI arrintaasi waxba kama jiraan ku tilmaamay, isla markaana sharci daro ku xidhan yihiin saddexda sarkaal ee ka tirsan xisbiga WADANI.


Hargeysa Online