Dowladda Kenya oo sheegtay in ay dishay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.
Posted by abdi on April 30 2017 20:55:51

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay dishay Dagaalyahanno ka tirsan Xarakadda Al Shabaab, kadib howlgallo ay ciidanka dowladda Kenya.


Extended News

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay dishay Dagaalyahanno ka tirsan Xarakadda Al Shabaab, kadib howlgallo ay ciidanka dowladda Kenya ay ka fuliyeen degaanno ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.


Diyaaradaha dowladda Kenya ayaa duqeyn ka fuliyay deegaanka War-Gaduud oo u dhow degmadda Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Sarkaal la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta Kenya ayaa xusay in duqeyntii ka dhacday degaanka War-gaduud lagu dilay taliye ku xigeenkii Al-Shabaab ee Gobolka Gedo, oo lagu magacaabi jiray Cali Shangalow.

Duqeynta ayaa dowladda Kenya ay sheegtay in ay dhacday Jimcihii lasoo dhaafay. 

26-kii bishan Deegaanka War-gaduud ee Gobolka Gedo waxaa duqeyn ka fuliyay Diyaaradaha Dagaalka dowladda Kenya.

Diyaaradaha ayaa la sheegay in duqeynta ay ku garaaceen dhowr meelood oo deegaanka ka tirsan, sida goob-joogayaal ay sheegeen.

Degaanka War-gaduud ee Gobolka Gedo, ayaa waxaa gacanta ku haya Xarakadda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM.

Dhinaca kale 25-kii isla bishan Diyaarado dagaal ayaa duqeyn ka fuliyay Saldhigyo ay lahaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab oo ku yaalla degaanka War-gaduud oo ah.

Hargeysa Online