Qaldaneey dareenlaay danta qiil u waydaay !
Posted by ifraax on May 01 2017 09:34:35

Siyaasada xisbiyada qaranku waa xadaarad ee maaha cadaawad, waa hormar ee maaha carqalad, waa dan guud ee maaha dan shakhsi.


Extended News

Siyaasada xisbiyada qaranku waa xadaarad ee maaha cadaawad, waa hormar ee maaha carqalad, waa dan guud ee maaha dan shakhsi, waa qaran dhis ee maaha dumis....!

Waxa aduunyada jira ummad ayaan darano nasiib leh iyo ummad nasiib leh oo ayaan daran! Taasina waxaa sabab u ah erayga (Alxamdulilaah) u ka maqan qaamuuska dadkeena amma shucoobteena.


Somaliand maanta wuxu ilaahay ku deeqay waa nabada iyo dhulka xorta ah aanay cidina ku haysanin, shuruudihi ictiraafkana way dhamaystirtay laakin waxay u baahantahay in mucaarad iyo muxaafad ay gacmaha si wada jira isu qabsadaan kana fakaraan ayaaha danbe iyo mustaqbalka fog aan lagu mashqoolin xaalad abuur aan meelnaba gaadhayn....!

Waxaan aad oga yaabay qof kasta waa siyaasi, qof kastaa waa xisbi yaqaan, qof kastaa waa saxsanyahay iyo qof kastaaba waa anaa amiir laakin ma oga inoo qofka dulmani yahay qofka u baahan in la jiheeyo u labaro dhinaca wanaagsan ee dalkiisa wax oga qaban lahaa ama ku caawin lahaa...!

Somaliland waxaan odhan lahaa waa dal xukuumad ku dhisan iyo shacab u sharaf iyo cisi lagu bartay caalmakana meel wanaagsan kaga yaala , waxaan leeyahay dadka xaalad abuurka, qalalaasaha, dhibaatada iyo aflagaadada markasta mediyada la taagan in laga daayo si aanay dhaawac qaranimo ogu noqon ictiraafka Somaliland .. dhinaca kalena waa in loo diyaar garoobu qabsuumida doorashada iyo kaadh bixinta.

Hadaan loo dhabar-adaygin

Hadaan dhexda loo adkaysan

Dhaliisha haddaan la saxin

Wanaagga la dhiiri-galin

Miyuu dhismi laa dalkani.

 

Samia Muse 2017