Xisbiga wadani ha,ilaasho shuruucda dalka somaliland u yaala oo haka daayo dhican faruurka.
Posted by ifraax on May 01 2017 09:57:42

Somalidu waxay  tidhaahdaa:Saddex Lama Raaco:B Ma horreeye hadaba xisbiga wadani ma horeeyo oo dadka uma horseedo wanaag.


Extended News

Somalidu waxay  tidhaahdaa:Saddex Lama Raaco:B Ma horreeye hadaba xisbiga wadani ma horeeyo oo dadka uma horseedo wanaag,TMa dambeeye.mana dambeeyo  isaga oo aan waxba qabaneyn ayuu umada hadan been u sheegayaa.J Ma haasaawe.oo sidiisaba wax wanaag ah oo uu umada ku soo kordhiyaa ma jirto waxaan ka ahayn calaacal & been dadka loo sheego.


Markaa xisbigu wuxuu yahay maahmaahdii ahayd B) Ma Toshe.T) Ma Tashiishe.J) Ma Tashadde.markaasi waa xisbi shuruucdii dalka raba inuu masaxo oo uu baabiiyo sidaasi darteed waxaan uga digeynaa wadani inuu ka daayo dibi daabyada uu ku hayo dadkiisa & wadankiisaba.
Wadani isaga oo doonaaya talada dalka inuu qabto ayuu hadana rabaa inuu dhinaca kalena uu dumiyo dawladnimadii mudada dheeer aan soo dhisayney.
Waxaan rabaa inaan u bayaamiyo dhamaan shacabka reer somaliland meelkasta oo ay joogaanba iney iska ilaaashaan xisbi beeleedka wadani oo aad moodo iney cadho ay ku jirto walibana aad moodo iney dhamaan bulshada reer somaliland ay uqdad u hayaan waxaan ku talin lahaa halaga digtoonaado in cod la siiyo xisbiga sidaas ah.
Wadani isga oo aan wali iman xukunka ayaad saansaantiisa ka aragtaa dulqaad la,aanta & inuu dad ciil u qabo ilaahbaan inigu dhaariyee ma kuwaas ayaan ku aaminaa maseerkeen? Hadaba umada wanaagsan ee dalkeeda jecel waxaan leeyahay waa inaan codkeena ugu hiilinaa xisbiga kulmiye oo aan aagno wax qabadkiisa mudadii uu joogey xukunka dalka JSL.
Alaa mahad lehBy maxamed jeexBrussels Belgium.