Furaha noloshu Waa farxada farxadana qofka ayaa samaysta.
Posted by ifraax on May 01 2017 10:04:20

Furaha noloshu Waa farxada, farxadana qofka ayaa samaysta ooy gacantiisa ku jirta,waxana kow ka ah oo ugu horeeya kalsoonida.


Extended News

Furaha noloshu Waa farxada, farxadana qofka ayaa samaysta ooy gacantiisa ku jirta,waxana kow ka ah oo ugu horeeya kalsoonida iyo qanaacada, aad ku qanacsantahay naftaada iyo hadba waaga kuu barya wajiguu kuula yimaado aqbalkiisa iyo sidaad u

 

qaabisho eed ula saaxiibto haduu yahay mid maalintaas kugu adag iyo mid kuu wanaagsanba  aad nabad galyeyso adigoo faraxsan marka gabalku dhaco.waxa taas kasoo horjeeda waa qofka oo kunool xaalada werwerka, murugada,iyo baqdin, dhamaan qodobadaasina waxay hormood u yihiin caafimaad daro! waxaanay keenaan ama sababan xanuuno ay ka midka yihiin, macaanka, dhiig karka, gastariga, midabkaaga oo mugdi noqda, timaha oo ku daata, dadka oon jeclaysan agjoogaaga ama dhibsadaba, bal maanta oo dhan fikirtaye, cabaadey murugootaye Waa maxay maxsuulku ama natiijadu maxaad qabatay!? Halna Maad qaban aduunbaa xiiqay naftaadana halaagtay.hadaba waxa is waydiin leh Waa maxay astaanaha lagu  lagu garta? Maxaa keena xaaladan xun? Maxay tahay dawadeedu? 1)astaamaha lagu garto qofka kujira xaaladan. Qofka oo dhibsada farxada qofka kale, qofka oo ka xanaaqa waxii is jecel, qofka oo cidkasta oo wanaag ama Amaan laga sheego,hoos ahaan u gubta, qofka oo dhaliil mooyee wanaag sheegin. Tusaale, shaley wuu bakhtiyay,  gurigaas wayn, ama gaadhigaas qaaliga ah,shaqadaas sare,ama gabadhaas quruxda badan hebel baa helay, talow yaa siiyay? Etc. 2) maxaa keena ama sababa? Aragtida togan.macnaha qofka oo marka uu wax qiimaynayo amaba cabiraayo fikirkiisa hal dhinac amaba dhinaca negative ka ee  qalafsan ka istaaga, qofka oo qaladaadka ama xumaha lagu sameeyo qalbiga ku haysta isla markaana hadal haya,  illayn waxa ku habsaday laba culays ama dhibood,xumahii ama dhibtii gafkii lagu sameeyay oo dhib ah, iyo kuhaynta iyo ka fikirkeeda, oo labadaba dhibteeda leh.sidaa darteed waxay natiijaduna noqotaa. inuu xumahii madoobeeyo qalbiga ama damiirka  qofka, qaybta looyaqaano UNCONSCIOUS MIND oo ah qaybata lagu kaydiyo ama u ururisa dhamaan naxliga, xumaha, iyo  afcaasha  xun ee qofku sameeyo ama lagu sameeyo ee uu qarsanyo ee uusan rabin in laga ogaado, tusaale:  xatooyo, tuuganimo, qiyaamo, xaaraan cunid, ama xaaraan samayn, danbi galid,etc. Dhaman qodabdaas majirto qof sheegi kara ee wuu qarsadaa halkaasina Waa meesha uu ku qarsado ee haysa.Hadaba  haday wasladaasi xumaato ama madoobato qofka, jidhka intiisa kale way xumaataa, dabadeed dhamaan qofka fikirkiisa, ficilkiisa iyo odhaahdiisuba  way la xumaadaan, maxaayeelay waxa layidhaadaa "waxaad tahay waxaad aamin santahay, waxaad aamin santahayna waa hab dhaqankaaga , " you are what you belief , your beliefs is your attitude,and your attitude is your behaviour" wasladaasina waa ta kaliya ee markay nadiifta noqoto janada lagu galo.3-maxaa lagaga hortagaa oo ka dawo ah? Waxa hubaal ah si kooban hadaan u taabto sidaan hore usoo  sheegay, Waa silsilad isku xidhan.  Oo ah  mid ka bilaabata fekerka dhanka xun laga eego, waxuu keenaa werwer, walaac iyo baqdin, kuwaasina waxay sababaan ku noolaan shaha  murugada,muruguda oo aad ku noolaatana waxay keentaa calool xumo, taasina waxay keentaa niyad jab ugu danabyn  xaasidnimo  iyo cadho joogta ah, hada akhriste qofkasTa oo bini aadam ahi waxa uu ka fekeraa oo werwerkeedu hayaa Waa laba uun, SHALEY iyo BERRI,oo aadan labadaba wax ka qaban karin gacantaadana ku jirin.SHALEY, waxa uu ka fikiraa qalad uu sameeyay iyo qalad lagu sameeyay, danbi uu sameeyay iyo mid lagu sameeyay, iyo wax seegay.BERRI,  sida ay noqon doonto ama uu mudan doono tusaale ka fikirka xaalada ah " armey" armey sidaa dhacdaa sida, risiq yaraan ama la aan,xaas,awlaad, lacag la aan,ama yaraan shaqo la aan, ama armaa lagaa eryaa, caafimaad, gaajo, etc  hadaba ugu danbayn dawadu Waa yaqiin SHALEY: Waa maalintagtay dibna usoo noqon mayso Waa habeenkii xalayee tagay adiguna aanad  dib intaad i noqto and gaadhi karin si aad wax uga qabato. markaa waxii qalad ah ee dhacay garo oo ogsoonow inaad ILLAAH, ka leedahay arinkaas shaley oo kaaga filan isla markaana ah danbi dhaafe.ilayn bilaa ILLAAH  ma tihide way tagtee iloow  BERRI. Waa maalin aadan gaadhin sida ay wax noqonayaana aanad garanaynin iyaduna garo oo ogsoonow kuna kalsoonow, iyada taa berri ah inaad iLLAAH kaleeday kaaga filan kuna kaafiyaya kaliya RABIGAA wax waydiiso adoo aaminsan, ku kalsoonaw ugana hadha ilayn isagaa balan qaadaye yaaney werwer kugu beerin maalinaadan gaadhin ilayn bilaa ILLAAH matahide.

 

W/Qoray: Mahad mahamed Nuux