Cid kasta oo ay ku caddaato lunsi iyo xatooyo xoolaha qaranka, waa in tallaabo sharci ah laga qaadaa.
Posted by abdi on May 01 2017 23:15:39

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa kulan isugu yeedhay Saddexda hay’addood ee kala ah Hanti dhawrka guud ee qaranka.


Extended News

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa kulan isugu yeedhay Saddexda hay’addood ee kala ah Hanti dhawrka guud ee qaranka , Xeer Ilaalinta qaranka iyo Komishanka Maamul wanaaga.

Nuxurka Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay Saddexdan Hay’adood ee Dastuuriga wuxuu daranaa, sidii ay saddexdaa hay’adood uga wada shaqayn lahaayeen ka hortaga, dabagalka iyo xakamaynta lunsiga iyo ku tagrifalka hantida qaranka.

Madaxweynuhu wuxuu masuuliyiinta dawladda faray in wakhtiga kala guurka ah lagaga faa’iidaysan in musuqmaasuq la sameeyo, waxaanu madaxweynhu faray Hanti dhawrka qaranka, Hay’adda Maamulka wanaagga iyo Xeer ilaalinta Qaranka in Hay’add walba ay masuuliyada qaranka u hayso uga soo baxdo sidii ay ahayd.

201751636292330320105701sillaan.jpg

201751636292330721534461salaan1.jpg

201751636292331083424372salaan3.jpg

201751636292331452142731salaan4.jpg

201751636292331849023091salaan7.jpg

201751636292332161674400salan00.jpg

 


“Baadhista iyo dabagalka lunsiga hantida qaranka waa masuuliyad saaran hanti dhawrka guud ee qaranka. Sidoo kale oogista danbiyada laga galo qaranka ee la xidhiidha lunsiga hantida umadda waxaa u xilsaaran xeer ilaalinta qaranka, Komishanka maamul wanaaggu iyaga xilkoodu waa baadhis xaga maamulka ah iyo toosin iyo tayeynta maamulka dawliga ah, si loo helo maamul hufan oo wanaagsan. Kulankaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka madaxtooyada,Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka wasaaradda warfaafinta, mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), wasiir ku xigeenka madaxtooyada, MudaneAxmed Xaashi Cabdi, madaxda hay’addaha saddexda ah.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay

“waxaan ahay Mas'uul caan ku ahaa cimrigii, maamul wanaag iyo nacaybka xatooyada xoolaha ummadda. Muddadii aan qarankan hoggaaminayey, waxaan xooga saaray sidii loo dhisi lahaa qaran ka bad qaba cudurrada ragaadiya horumarka dalka, ee ay kow ka yihiin maamul-xumida iyo musuqmaasuqu.Sidaa darteed, waxa iga go'an in aan ummaddayda uga tago dhaxal wanaagsan, isla markaana aan naftayda u reebo taariikh duug ah.”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo la hadlayey hay’adan uu la kulmay.

“Sida aad dareensan tihiin, xilliyada kala guurka marka ay dawladuhu galaan, waxa dhacda in la xalaashado hantida ummadda, boob iyo dhacna uu bilaabmo. Haddaba, si aynu uga hortagno arrimahaa, waxaan idin farayaa in aad laban laabtaan dedaalkiinna, isla markaana xilkiina u gudataan si karti iyo hufnaan leh.”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Waxanu intaas ku daray “Waxa reebban, ku tagri falka hantida ummadda nooc kasta oo ay tahay, waxaanan idin farayaa in aad feejignaan joogta ah u yeelataan ilaalinta hantida ummadda. Cid kasta oo ay ku caddaato lunsi iyo xatooyo xoolaha qaranka, waa in tallaabo sharci ah laga qaadaa. Waxaan idiin cadaynayaa in aanay jirin cid sharciga ka saraysaa oo aanu xeerku qabanayn. Waxaan idinka doonayaa, warbixin joogta ah iyo hawlgallo dhab ah, oo lagu ilaalinayo hantida ummadda.

Hargeysa Online